Shabaab oo qabsaday Gaari Tikniko,2-Cabdi bille dab qabadsiiyay,weerar ka dhacay duleedka Muqdisho…

0
16

Warar dheeraad ayaa waxay ka soo baxayaan Weerar maanta duhurkii ka dhacay deegaanka Jaziira ee dhanka Koonfur galbeed uga beegan magaalada Muqdisho,kaasi oo u dhaxeeyay Al Shabaab iyo Ciidamo katirsan Dowladda Soomaaliya.
Dagaalka oo muddo kaban saacad socday ayaa dhaliyay dhimashada hal askari iyadoona xoogaga Al Shabaab ay gacanta ku dhigeen gaari Tiknika ah oo ay wateen ciidamada dowladda,sida lagu qoray Baraha internetka ee Al-Shabaab

Wararka ayaa intaas ku daraya in ciidamada Al Shabaab ay dab qabadsiiyeen laba gaari oo Cabdi Bilayaal ah kadib markii ay ku ciladoobeen rasaastii dagaalka laysku dhaafsanayay, war rasmi ah oo kasoo baxay Al Shabaab ayaa lagu xaqiijiyay in ciidamadoodu ay soo furteen gaari dagaal.

Deegaanka Jaziira ee dhaca duleedka gobolka Banaadir waxaa kuyaal saldhigyo ay saraakiil Ajanabi ku tababaraan Ciidamada Dowladda Soomaaliya.

FADLAD KA DHIIBO FIKIRKAAGA QEYBTA HOOSE