faafaahin: Askari ka tirsan Ciidamada dowlada oo lagu dilay Baladweyne ka dib markii..

0
27

Askari ka tirsana Ciidamada dowlada ee gobolka Hiiraan ayaa caawa lagu dilay meel aan ka fogeyn fariisin Ciidamada dowlada ku lee yihiin Xaafadda Bundo weyn ee Magalaada Baladweyne.

Dilka Askarigan ayaa la sheegay inay geysteen kooxo hubeysan islamarkana ay ka baxsadeen goobta ka hor inta aysan tagi Ciidamada dowlad.

Taliyaha  Ciidamada Booliska  degmada   Magalaada Baladweyne ayaa  sheegay in lagu dabo joogo kooxihi ka dambeyay dilkan islamarkana gacanta lagu soo dhigi doono.

Askarigan Caawa lagu dilay Xaafadda Bundo weyn ayaa ka tirsana Ciidamada Asluubta ee Gobolka Hiiraan.

Ugu dambeyntii Xaafadda Bundo weyn ee Magalaada Baladweyne ayaa dhowr  mar ooh ore lagu dilay Askar ka tirsan Ciidamada dowlada kuwaaso aysan jirin cid loo soo qabtay dilkooda.

magalaada baladweyne ee xarunta gobolka hiiran ayaa aminigeeeda  uu yahay hada  mid an wanaagsaneyn iyo magaalada ay ka dhaxeen  dagaalo u dhxeexo  ciidamada  dowlada soomaaliya iyo  kooxo  jidgooyooyin soo  dhigtay  gudaha magaalada  baladaweyen

FADLAD KA DHIIBO FIKIRKAAGA QEYBTA HOOSE