DEG DEG: Madaafiic goordhow laga maqlay agagaarka madaxtooyada Somalia & cabsi xoogan oo taagan.

0
29

Ugu yaraan 3; Qof ayaa la xaqiijiyay in ay ku dhinteen Hoobiyayaal ku dhacay meel u dhow Madaxtooyada Soomaaliya,iyada oo saddex Hoobiye laga maqlay agagaarka dhismaha Ex-Fiyoore ee Magaalada Muqdisho.
Sidoo kale dad kale ayaa ku dhaawacmay weerarka Hoobiyayaasha ah oo aan ilaa hadda cidi sheegan mas’uuliyadda weerarka hoobiyayaasha ah ee maanta ka dhacay Muqdisho.
Dhinaca kale Askari ka tirsan Ciidamada Dowladda ayaa lagu dilay suuqa Bakaaraha ee Magaalada Muqdisho iyada oo kooxda dilka geysatay ay Qorigii Askarigaas horay u qaateen.
Goobjoogayaal ayaa u sheegay warbaahinta ,in Askariga la dilay lagu magacaabayay Maxamed Yuusuf,islamarkaana kooxda dilka geysatay ay goobtii ka baxsadeen.

FADLAD KA DHIIBO FIKIRKAAGA QEYBTA HOOSE