XOG: Gaas Oo Xilkiisa Uga Cabsanaya Labo Siyaasi ( Waa Kuwee?)

0
30

Madaxweynaha maamulka Puntland C/weli Maxamed Cali Gaas ayaa xilligaan waxa uu xilkiisa uga baqaya Labo siyaasi oo caan ah, islamarkaana hadda xilal ka haya dowladda Federaalka Soomaaliya.
Gaas oo Sanad kaliya u harsan tahay ayaa wuxuu ka baqayaa in doorashadiisa ay kasoo qeybgalaan siyaasiyiinta kala ah Senator C/raxmaan Faroole iyo sidoo kale Senator Cumar C/rashiid.
Xogta ayaa sheegeysa in Gaas uu bilabay qorshe uu albaabada uga sii xiranayo mas’uuliyiintaan oo uu u arko in shaqsi ahaan ay ka tageero badan yihiin.
Cabsida ugu weyn ayaa waxay tahay sida la sheegayo in Faroole uu si gambasho la’aan ah isku soo sharaxo, madaama ahaa shaqsi markii Gaas badinayey looga qaaday cod waliba mid qaldamay ah.
Puntland ayaa Sanad kadib geli doonta doorasho madaxweyne, waxaana la geli doona isbedallo cusub.

FADLAD KA DHIIBO FIKIRKAAGA QEYBTA HOOSE