Maamulka Hir-Shabeelle oo Bixinaya Mushaaraadka Shaqaalaha.

0
14

Maxamed Cabdullaahi Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Hir-Shabeelle oo Gaaray Magaalada Balad weyne ayaa sheegay in uu hordhac u yahay socdaal ay Magaalada Balad weyne ku tagayaan Wasiirada Maamulkaasi.
Waxa uu warbaahinta u sheegay in uu socdo qorshe dib loogu hagaajinayo bixinta lacagaha Shaqaalaha Maamulka, bixinta lacagahaasine ay u adeegsan doonaan qaabab ka duwan sidii horay loogu bixin jiray.
Lacagaha shaqaalaha ayuu tilmaamay in ay ku jirto Akoonka Wasaaradda, balse Caqabada heysata ay tahay kasoo saarista lacagta si ay shaqaalaha u siiyaan Xuquuqdooda.
Qaadista lacagaha Canshuurta ayuu tibaaxay in ay qeyb weyn ka qaadan doonto sugnaanta miisaaniyadda Hir-Shabeelle, Wasiirka Maxamed ayaa dalbaday in la bixiyo Canshuurta.
Dhanka kale waxa uu sheegay in Wasaaradiisu ay ka shaqeyneyso sidii ay u Xakameyn laheyd Diidmada kunka Shillin oo qeybo kamid ah Gobolka Hiiraan laga diido.

FADLAD KA DHIIBO FIKIRKAAGA QEYBTA HOOSE