Hordhac: Norwich City Vs Chelsea: Blues Guuldaro Kalama Kulmin Norwich 13-kii Kulan Ee Ugu Dambeeyay

0
28

Kooxda Chelsea ayaa u safri doonta garoonka Carrow Road iyada oo kula ciyaari doonta kooxda Norwich City kulan ka tirsan wareega 3-aad ee tartanka FA Cup-ka.

Blues ayaa isha ku haysa in ay gaarto guul ka caawisa in ay u gudubto wareega xiga ee tartanka kuna sii jirto tartamada ay ilaa haatan ciyaarayso.

Antonio Conte ayaa la filayaa in uu is badal ku sameeyo shaxdiisa si uu xiddigaha sida joogtada ah u ciyaara fursadna u siiya xiddigaha aan joogtada u ciyaarin.

Kulan: Norwich City Vs Chelsea

Tartanka: FA Cup

Wakhtiga: 8:30 Habeenimo

Garoonka: Carrow Road

XAQIIQOOYINKA KULANKA:

Chelsea ayaan laga badin 13kii kulan ee ugu dambeysay ee ay la ciyaartay Norwich tartamada oo dhan, 10 guul iyo 3 barbar dhac.

Blues ayaa badisay 4 jeer waxaana barbaro gashay hal kulan 5-dii kulan ee ugu dambeysay ee ay Norwich kula ciyartay Carrow Road.

Labadii kulan ee ugu danbeysay ee FA Cup ee dhexmara labada kooxood waxaa ku guuleystay Chelsea, labadaba waxa ay ku badisay Stamford Bridge.

Kulankii ugu dambeeyay ee FA Cup-ka ee dhexmaray Norwich iyo Chelsea ayaa ku dhamaaday barbaro goolal la’aan ah sanadkan 2002.

FADLAD KA DHIIBO FIKIRKAAGA QEYBTA HOOSE