Hordhac: Man city Vs Burnley: Citizen Ayaa Gacan Saraysa Kulanada Tooska Ah Ee Tartan

0
24

Kooxda Man city ayaa garoonkeeda Etihad Stadium ku soo dhawayn doonta kooxda Burnley kulan ka tirsan wareega 3-aad ee tartanka FA Cup-ka.

City ayaa isha ku haysa in ay sii wadato qaab ciyaareedka cajiibka ah ee ay tartamada oo dhan ka wado xilli ciyaareedka ilaa haatan.

Laakiin Citizen ayaa wajahaysa kooxda Burnley oo aan dhankeeda ka dhicin oo qaab ciyaareed fiican ku jirta kooxaha waaweyn ee premier league-na caqabad ku noqotay kulamo badan.

Kulanka:Man city Vs Burnley

Tartanka: FA Cup

Wakhtiga: 6:00Pm

Garoonka: Etihad Stadium

XAQIIQOOYINKA KULANKA

Kooxda Burnley ayaa xilli ciyaareedka ku bilaabatay si dhiiri galin leh laakiin qaab ciyaareedkeeda ayaa hoos u dhacay todobaadyadii la soo dhaafay

Kooxda Sean Dyche ayaa guul la’aan ah shantii kulan ee ugu dambeysay iyaga oo waliba guuldareystay inay shabaqa soo taabtaan seddex ka mid ah.

Man city ayaa Burnley la ciyaartay 3 kulan oo FA Cup-ka ah 2 kulan City ayaa badisay hal kulan bar-baro ayay galeen waxa ay wakhtigan oo kale kulmeen sanadkii 1990/1991 waxana goolka City dhaliyay Colin Hendry.

Manchester City ayaa u soo baxday wareega afaraad mid kasta oo ka mid ah shantii kulan ee ugu danbeysay, iyagoo 5-0 kaga badiyay West Ham (2016/17) iyo Norwich 3-0 (2015/16).

FADLAD KA DHIIBO FIKIRKAAGA QEYBTA HOOSE