Saraakiil kala socota degmooyinka Gobollada Hiiraan & sh/dhexe ayaa tababar loogu soo xiray Jowhar

0
24

Magalaada Jowhar ee Xaruunta Maamulka Hirshabeelle ayaa tababar loogu soo xiray  Saraakiil ka tirsan Ciidamada Booliska oo kala socota degmooyinka Gobollada Hiiraan iyo shabeellaha dhexe.

Munaasabadan Tababarkan loogu soo xirayay ayaa waxaa ka qeyb galay Madaxweyne Ku xigeenka Dowlad Goboleedka Hirshabeelle ahna Kusimaha Madaxweynaha Hirshabeelle  Cali Cabdulaahi Xuseen, xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Hirshabelle ,Mas,uulyiinta Maamulka Gobolka Sh/dhexe & Maamulka degmada Jowhar.

Taliye ku xigeenka Ciidanka Booliska Hirshabeelle  Col. Isaaq Cali Cabdulle  ayaa sheegay in  Saraakiishan muddii tababarkan u socday la baray waxyaabo quseeya shaqadooda islamarkana looga bahan yahay inay uga faa’ideeyaan bulshada deegannada Hirshabeelle isago amaanayy  Taliska Ciidamada Booliska Soomaliya oo tababarkan siiyay saraakiishan ka socota saldhigyada degmooyinka Hirshabeelle.ka warbixiyay tababarka ay qaateen saraakiisha ciidamada Booliska waxana uu amaan u soo jeediyay Quburada Booliska Soomaaliyeed ee tababarka bixinayay.

Madaxweyne kuxigeenka Dowlad Goboleedka Hirshabelle Cali Cabdulahi Xuseen Cali Guudlaawe ayaa kula dardaarmay saraakiishan tababarkan loo soo xiray in aqoontii ay barteen ay ku dabaqaan howlahooda shaqo ee muhiimka u ah bulshada Soomaaliyeed.

“Waxaan kula dardaarmayaa dhamaan Taliyeyaasha Saldhigyada Booliska Hirshabeelle in aqoonta ay ka faa’iideysteen mudada uu socday tababarka si sharciga waafaqsan ugu shaqeyaan shacabka maadaama Booliska uu yahay ilaaliyaha shacabka.”ayuu yiri Madaxweyne ku xigeenka Hirshabelle.

Maamulka Hirshabeelle ayaa dhawan lagu wada in loo tababaro Ciidamo gaaraya kun Askari afar boqol oo ka mid ah  waxaa lagu tababari doono Magalaada Jowhar halka lixda boqol ee kalan lagu tababari doono Magalaada Baladweyne.

Madaxweyne ku xigeenka Hirshabelle Cali Guudlaawe Xuseen ayaa shahaado sharaf guddoonsiiyay  taliyeyaasha saldhigyada Booliska degmooyinka  Maamulka Hirshabeelle

FADLAD KA DHIIBO FIKIRKAAGA QEYBTA HOOSE