DHAGEYSO: Go’aankii Donald Trump ayaa cambaareyn caalami ah loo jeediyay

0
17

 

Radio codkahiiraan 99.9 FM {RCH} Madaxweynaha Mareykanka Donald  J.Trump ayaa saxiixay Wareegto uu Magaalada Barakeysan ee Quddus ugu aqoonsaday Caasimadda Maamulka Yuhuudda.
Mr Trump ayaa ku doodaya in go’aankan uu yahay mid horseedaya xal kama dambeys ah oo laga gaaro muranka Israel iyo Falastiin.
Madaxda Caalamka ayaa ka bixiyay jawaabo kala duwan waxaana ka mid ah Madaxweynaha Tyrukiga,Boqorka Jordan,Golaha amaanka ee Qaramada Midoobey iyo Ra’isalwasaaraha Yuhuudda.
Boqorka Jordan ayaa booqasho deg deg ah ku tagay Turkiga waxaana uu kala hadlayaa madaxda Turkiga waxa laga yeelayo,sidoo kale Falastiiniyiinta ayaa ku baaqay kacdoon ka dhan ah Israel.
Iraan ayaa sheegtay in midnimada Muslmiinta loo baahanyahay si loo difaaco Quddus,Dowladaha Faransiiska,Ingiriiska iyo kuwo kale ayaa ku dhawaaqay kulan deg deg ah oo ay yeeshaan golaha amaanka.

Madaxweynaha Falastiin Maxamuud Cabaas ayaa sheegay in Trump uu jebiyay xeerarka Caalamiga ah islamarkaana colaad ka hurinayo bariga dhexe.
Ururka Xamaas ayaa sheegay in go’aanka Trump uu naar ku noqon doono Mareykanka iyo dadka taabacsan,Qadar ayaa sheegtay in go’aankaas gef ku yahay Islaamka.

waxaana tallaabadan uu qaaday madaxweynaha Mareykanka siweyn uga galgishay in badan oo ka mid ah dunida Muslimka.

War qoraal ah oo ka soo baxay Boqortooyada Sacuudi Carabiya ayaa lagu sheegay in ku dhawaaqista u sameeyay Trump ay tahay mid cadaalad daro iyo mas’uuliyad daro.

Ra’iisul Wasaaraha Faransiiska iyo Hoggaamiyaha Jarmalka ayaa labadaba sheegay inay ka soo horjeedaan tallaabada uu qaaday Mareykanka.

Sidoo kale Ra’iisul Wasaaraha Malaysia Najib Razak ayaa ugu baaqay Muslimiinta inay caddeeyaan mowqifkooda ku aadan inay ka soo horjeedaan tallaabada Mareykanka.

Dibad baxyo looga soo horjeedo Mareykanka iyo Madaxweyne Trump ayaa ka dhacay daanta Galbeed, halkaasoo lagu gubay sawirka iyo Calanka Mareykanka.

Dibad baxayaal careysan ayaa ku hor banaan baxay Safaaradda Mareykanka ku leeyahay istanbul, iyagoo ku qeylinayay erayo ka dhan ah Trump.

Sideed ka mid ah 15 xubnood ee Golaha Ammaanka ayaa ku baaqay in kulan degdeg ah laga yeesho dhamaadka isbuucan go’aanka Mareykanka uu ku gaaray in Quddus ay tahay Caasimadda Israel.

Donald Trump ayaa sheegay in horay uu ugu dhawaaqay Mareykanka in Qudus ay tahay caasimadda Isra’iil ayna tahay tallaabo aad looga daahay, isaga oo dhawaan u rari-doona safaaradda Mareykanka

Balse Ra’iisul Wasaaraha Israel Benjamin Netanyahu ayaa soo dhoweeyay go’aankiisa, isagoo ku tilmaamay maalin taariikhi ah.
W/D:BASHIIR CABDULAHI CISMAAN

 

FADLAD KA DHIIBO FIKIRKAAGA QEYBTA HOOSE