Faah Faahinno Ka Soo Baxaya Qarax Miino Oo Ka Dhacay Duleedka Baladweyne

0
13

Wararka laga helayo Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in kolonyo ka tirsan Ciidamada Dowladda Soomaaliya qarax Miino lagula eegtay duleedka Degmada Baladweyne ee xarunta Gobolkaasi.

Qaar ka mid ah dadka deegaanka oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in Gaari Cabdibile ah oo ay la socdeen Ciidamo ka tirsan kuwa Dowladda qaraxaasi  lagula bartilmaameedsaday deegaanka Lajecley ee Gobolka Hiiraan.

Al Shabaab oo sheegatay masuuliyadda qaraxaasi waxaa ay Barahooda Internet-ku baahiyeen in ay ku dileen 4 Askari, kuna dhaawaceen tiro kale.

Ma jiro illaa iyo hadda wax war ah oo ka soo baxay saraakiisha Ciidamada Dowladda oo ku aadan qaraxaasi.

Balse shalay ayey ahayd markii Al Shabaab weerar Madaafiic ah ay ku qaadeen saldhiga Ciidamada Jabuuti ay ku leeyihiin Magaalada Baladweyne ee xarunta Gobolkaasi Hiiraan.

FADLAD KA DHIIBO FIKIRKAAGA QEYBTA HOOSE