Kulanka Uu Adam Lallana Ku Soo Laaban Doono Kooxdiisa Liverpool Oo La Ogaaday

0
39

Taageerayaasha Liverpool ayaa war fiican ka helay xiddiga dhaawaca mudada dheer uga maqan ee Adam Lallan kaas oo la ogaaday wakhtiga uu ku soo laaban doono ciyaaraha kooxdiisa.

Adam Lallana ayaa diyaar u noqon doona kulanka ay Liverpool la ciyaari doonto kooxda Southampton 18 bisha November oo ku beegan maalin sabti ah.

Kubad sameeyaha Liverpool ayaan Liverpool u ciyaarin wax kulan ah ilaa haatan xilli ciyaareedkan isaga oo kooxda ka daawanayay taarabuunka iyo gurigiisa.

Orodka iyo xirfada Lallana ayay kooxda Liverpool u xiistay xilli ciyaareedkan xilli uu Klopp haatan war uu ku farxo ka helay xiddigan.

Xiddigan reer England ayaa todobaadkan si buuxda ugu soo laaban doona tababarka kooxdiisa kadib markii uu bil ku qaatay tababarka kaliga ah.

Liverpool ayaa 18 bishan garoonkeeda Anfiled ku soo dhawayn doonta kooxda Southampton iyada oo isha ku haysa in ay guulaha sii wadato.

 

FADLAD KA DHIIBO FIKIRKAAGA QEYBTA HOOSE