DIl ayaa ka dhacay gobolka hiiraan ka dib markii…..

0
46

Xarakada Al-shabaab ayaa degmada Buq-Aqable ee Gobolka Hiiraan ku toogtay Cali Axmed Caddow oo ka mid ahaa dadka degmada Jalalaqsi ee Gobolkaasi Hiiraan.

Cali; oo 51jir ah ayey Al-shabab ku eedeeyeen in uu jaajuus u ahaa Ciidamada dowladda Jabuuti ee ku sugan Gobolka Hiiraan.

Cali,ayaa lagu eedeeyay in uu jaajuus u ahaa Ciidamada dalka Jabuuti ee ka tirsan AMISOM,islamarkaana fadhigooda yahay galbeedka Magaalada Jalalaqsi ee Gobolka Hiiraan.

Fagaaraha ay ka dhacday toogashada ayey Al-shabaab ka sheegeen in Cali Amxed uu qirtay falka ay Al-shabaab ku eedeeyeen,waxaana sidoo kale ay sheegeen in qof kasta oo xiriir la sameeya Ciidamada AMISOM ay dilayaan.

FADLAD KA DHIIBO FIKIRKAAGA QEYBTA HOOSE