Hadaad Shukaansatid Nin Xaas Iyo Caruurba Leh Adigoo Og, Ogoow In Aad Kala Kulmi Karto…..

0
124

Ogoow in aad…

sabab utahay in xaaskiisa ay habeenkii xili danbe seexato sidey usugeyso ninkeeda inuu guriga kusoo laabto iyadoo ka walwalsan waxa ku dhacay.

Sabab utahay caruur rafaadsan oo aan heysanin jaceyl iyo daryeel aabo

Sabab utahay ninka aad shukaansatid caruurtiisa inay halaabaan mustaqbalka

sabab utahay in xaaskiisa ay marwalbo ooyso

sabab utahay in uu reerkiisa usoo hoyan waayo habeeno badan

sabab utahay in uu reerkiisa uu xanaaneen waayo

Waxaad sabab utahay in uusan cunto la cunin reerkiisa

waxaad sabab utahay in xaaskiisa uu jawi fiican la qaadan waayo

Adigane waxaad marwalbo ku duceysataa in aad hesho nin fiican oo daacad ah halka aad naag kale ninkeeda aad kadhigtay nin la aamini Karin.

Waxaad ku duceysataa nin fiican oo kujecel, halka naag kale jaceylkeedii iyo nolosheedi aad bur burisay.

Waxaad ku duceysataa in aad hesho guri dagan halka aad sabab utahay burburka guri kale

 

FADLAD KA DHIIBO FIKIRKAAGA QEYBTA HOOSE