Faafaahin: weerar ayaa lagu qaaday magaalada baydhabo ee xarunta gobolka bay…..

0
65

Saqda dhexe   xalay Waxaa tiro hoobiyaal ah lagu weerarey magaalada baydhabo ee xarunta gobalka bay

Iyadoo shacabka rer baydhabo ay ku soo toosen dhawaqa rasaasta culus ee dhaceysa

Madaafiicda ayaa bilowdey saacadu markey aheyd todoba saac iyo qadar daqiiqado ah waxeyna socdeen ku dhawaan 20 daqiiqo

Xiriiro aan sameyney ayaa sheegeya in madaafiicda laga soo tuuraayo duleedka magaalada gaar ahaana Meesha loo yaqaano makuuda oo magaalada dhinac ka xigta

Waxayna ku soo dhacayaan xerada amisom gaar ahaan kuwa itoobiya iyo xarunta madaxtooyada dowlad goboledka koonfur galbeed

Inkastoo ay adagtahay waqtigan in la ogaado qasaaraha ayaa hadana magaalada laga maqleyaa dhawaqa baaburta ciidanka oo baadi goob ugu jira meesha laga soo tuuraayo madaafiicda

 

FADLAD KA DHIIBO FIKIRKAAGA QEYBTA HOOSE