Casir iyo Carrabey xubno kamid ah Baarlamanka Galmudug ayaa xilkii ka qaaday

0
59

Magaalada Cadaado caasimadda Kmg ah ee Galmudug; waxa weli ka taagan muranka u dhexeeya madaxda iyo hay’adaha dowlad-goboleedka Galmudug.

Maxamed Xaashi Carrabey, madaxweyne ku xigeenka Galmudug oo xilka ay ka qaadeen Xubno kamid ah Baarlamaanka Gallmudug
Waxa kadib salaaddii cishaha ku shiray aqalka Baarlamaanka Galmudug xildhibaano katirsan Baarlamaanka , 49; xildhibaan ayaa ku dhawaaqay in ay xilkii ka qaadeen madaxweyne ku xigeenka Galmudug Maxamed Xaashi Carrabey.

Baarlamaanka Galmudugayaa ku dhawaaqay in ay xilkii ka qaadeen Gudoomiyaha Baarlamaanka Galmudug-Cali Gacal Casir-
52; xildhibaan oo kamid ah Baarlamaanka Galmudug ayaa sheegay in ay xilkii ka qaadeen guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug Cali Gacal Casir.
Qayb katirsan Baarlamaanka Galmudug ayaa maanta sheegay in ay magacaabeen guddi ka kooban 13; xubnood oo ay sheegeen in ay diyaarinayaan qabanqaabada doorashada madaxweyne, xubnaha ayaa horay u shaaciyey in ay xilkii ka qaadeen madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf.
Madaxweyne Axmed Ducaale oo eedeeyey xukuumadda federalaaka
Madaxweyne Xaaf; ayaa eedeyn kulul u jeediyey dowladda federaalka Soomaaliya, isaga oo sheegay in ay lacag iyo hub ku soo daldalayaan degmada Cadaado, waxa uu ku eedeeyey xukuumadda dhexe in ay keeneen Cadaado lacag badan oo laaluush ah iyo dad qalqalliya degenaanshaha Galmudug.

FADLAD KA DHIIBO FIKIRKAAGA QEYBTA HOOSE