iyagoo aaminsan in yaraantii la soo caburiyey {akhriso sheeko xiiso leh}

0
258

waa in bah xaawaleey shir deg deg ah iskugu timaadaa maadaama uu xishoodkii lagu yaqiin sii lumi rabo,xishoodka Rag iyo Dumar waa saaran yahay oo mid laga dulqaaday ma jiro haddana Dumarku inuu xishoodo waa mid lama taabtaan ah,waana halka ay ku mutaysteen in wiilku ciseeyo xaawaleeyda dhamaantood,inkasta oo waqtigaan ay jiraan rag caaya dumarka haddana ma badna,aan u soo laabto dhaliisha iyo dhaleecaynta aan u wado gabdhaha yar iyo weyn kuwooda ay qusayso qoraalkan,waagii hore Hooyadu uma ogoleeyn gabadheeda inay soo ag fariisato markay dumar kale la sheekaysanayso waxayna sidaas u yeeli jirtay in gabadheedu aysan noqon mid xanleey ah ama raadisa wax kasta oo aysan shaqo ku lahayn radintoodda,sidaas bayna xishoodka nagu bari jireen,hadda waxaa soo baxay gabdho afka maro soo saartay iyo kuwo aan is qarin oo bulshada dhaxdeeda ka leh waawareey nin baan rabaa,waan weynaaday ilaahay xaqiis miyaa sidaas,inay sidaas tiraahdo waxaa keenaya baan is leeyahay,gabadha iyo hooyadeed,ayeeyadii,iyo dhamaan reerka oo dhan inay filin wada fiirsadaan,filinkaas ka soo qaad inuu wiil iyo gabar is jecel ka hadlaayo,ama gabar u baahan nin oo guur gaartay,marba haddey gabdhu wax kasta hooyada la wadaagto oo aan yac la dhihin xishood ma yeelanayso,waxaa kuu soo haray kuwo waaweyn oo iyagoo la soo tababaray haddana waxay rabaan ku hadlaya iyagana waxaa ugu wacan baan is leeyahay,

1-iyagoo aaminsan in yaraantii la soo caburiyey,

2-ama iyagoo is fahamsiiyey qurbaha wixii aad doonto waad ku ahadli kartaa oo xishood ma jiro,haddaba sidaas maahan xaajaddu,haddii aad rabto inaad bulshada wax u soo gudbisid gabaryahay u soo bandhig wax fiican oo lagaa faa’iidaysan karo,gabari waa hooyo ,hooyaduna waa macalin, marka macalimiin fiican noqda haddii kale cabaadka nagga joojiya iyo cantarabqashka.

FADLAD KA DHIIBO FIKIRKAAGA QEYBTA HOOSE