Jariiradda Marca ayaa Banaanka Soo Dhigtay Xaqiiqooyin Muujinaya Sida Uu Lionel Messi U Bilay Taariikhda Barcelona.

0
123

Ilaa iyo hadda qofna ma inkiri karo in waayaha Lionel Messi ay u wacneed Barcelona madama ay kasoo muuqdeen saaxadda yurub in ka badan intii ay la’aantiis kasoo muuqdeen.

14 xilli ciyaareed ayuu xirtay maaliyadda Barcelona tan iyo waqtigii uu kooxda lasoo hana qaaday, balse sanadkaan wuxuu daawaday Real Madrid oo koobkeedii labaad ee Champions League si xiriir ah u qaaday inkastoo jamaahiirta qaar ay aaminsan yahiin in Barcelona aysan sida saxda ah uga faa’ideysan awoodda kabtanka Argentina.

Ka hor inta uusan Lionel Messi xiran maaliyadda Barcelona – kooxda ka dhisan Camp Nou waxey heysatay kaliya 1 koob oo yurub ah waana koobkii ay ku qaadeen garoonka Wembley nus qarni ka hor.

72-sano oo ay ku sugneed horyaalka La Liga iyadoon heysan Lionel Messi kaliya 16-jeer, waxaana lagu qiimeeyay 22% iney ka guul gaareen, sidoo kalana in badan oo guuldarooyin ah ayaa ka qabsan jiray El Clasico, gaar ahaan kulamada Estadio Santiago Bernabeu.

Markii uu Lionel Messi xirtay maaliyadda Barcelona – Afar jer ayey ku guuleysteen Champions League in ka yar 15-sanadood.

8-jeer ayuu kula guuleystay La Liga muddo 14-sano ah taasoo ka dhigan in 57% ay ka guul gaareen hanaanka horyaalka Spain.

Marka la isku daro wadar ahaan La Liga, Copa del Rey, Supercopa iyo Champions League – guulaha Barcelona kaliya waa 17% mudada aysan heysan Lionel Messi, taasoo ka dhigan iney 48-jeer ka guul gaareen 280 Xalaqo oo ay ka qeyb qaateen dhamaan tartamada ay ka qeyb galeen mudadaas.

Sidoo kalana 40% ayey guuleysteen marka la isku daro dhamaan mudadiisa guulahii ay soo hoyeen – madama ay qaadeen 27-koob, 68 isku day oo ay sameeyeen sida ku cad jadwalka hoose,.

FADLAD KA DHIIBO FIKIRKAAGA QEYBTA HOOSE