Xirfadlaha Cajiibka Ah Ee Borrusia Dortmund Ousmane Dembele ayaa Ka Hadlay Wararka La Xiriirinaya Barcelona – Miyuu Albaabka U Furay?

0
142

Xirfadlaha dabiiciga ah ee Borrusia Dortmund & qaranka France Ousmane Dembele ayaa xalay si fiican u muujiyay inuu yahay mid ka mid ah da’yarta ugu fiican qaaradda yurub waqtigaan markii uu kala diray daafaca Ingiriiska.

Dembele wuxuu lahaa sababta goolka Djibril Sidibe madama kubadii isaga laga badbaadiyay la dhaliyay sidoo kalana waa dhaliyaha goolka guusha qarankiisa kulan ay 3-2 ku direen sadexda libaax ciyaar ka dhacday Stade de France.

19-jirkaan ayaa Borrusia Dortmund kusoo biiray xagaagii hore isagoo 15 Malyan oo Euro kaga yimid Rennes, balse wuxuu saxaafadda u xaqiijiyay inuu lasoo xariiray agaasimaha ciyaaraha Barcelona Robert Fernandez isla markaana uu iska diiday inuu aado Camp Nou.
“Sanadkii hore waxaa ila soo xiriiray agaasimaha ciyaaraha Barcelona” ayuu yiri Ousmane Dembele  oo la hadlayay warbaahinta.

“Waan ku faraxsanahay Dortmund. waxaan kula jiraa heshiis dhamaanaya 2021. wax dareen ah ma siinin waxa uu yiri”

Warbaahinta Spain iyo kuwa France ayaa mudooyinkii ugu dambeeyay xidigaan la xiriirinayay Barcelona – balse Borrusia Dortmund waxey xidigaan u gali doontaa dagaal adag sidii ay ku ceshan laheyd.

FADLAD KA DHIIBO FIKIRKAAGA QEYBTA HOOSE