Gabadhyahay Weli Ma Isweeydiisay Ninkee Kuu Qalmo Midka Ahlu Diinka Ah Mase Midka Ahlu Maalka Ah..??!!

0
260

Bismillaah

Waxa mahada iska leh Allaha uummay khalqiga kiisa wanagsan iyo kisa xun inaguna maneystay ilayska damayn ee islaamkaa,Waxa mahada iska leh ilaaha ino so direy Nabigeni mohammed naxaris iyo nabad gelyo Eebe korkisa ha ahatee sayid keenii barbaariyeheenii hogaamiyaheenii macalinkeeni salalahu calayhi wasalaam.

Guurku wa gashan aad kaga galayso sharka shaytanka,shaytan kana wa u hoog iyo gooblan guurku waxaa lagu hela degenasho kalgaceyl naxasiis xasilonaan qofku hadi u guursado diintisa kala badh wuu dhameystirday waa inaay gabadhuhu guurka fududayan insha allah.

Gabadh kasta markey guursaneyso waxa ku abuurma fikir iyo cabsi joogta ah waxay ka fikirta malinta ugu horeysa ee aqal galkega iyo wax yaalo kaalo badan oo aan xagaan kuso koobi karin,

Marka waxa wanagsan in gabadhdu u diyar garowdo kuna talo gashoo sidii ay rerkega iyo ninkeega u dhaqan laheyd geesinimo iyo kharti na u mujin laheyd, ka hor guur kaga lamanahaaga aad noloshada inta kaga hadhsan la wadageyso inu ku qalmo iska eeg diintisa iyo dabecadisa wan ogahay inaad qulubtisa waxa ku jira adaan ogan kariin aan ka aheyn Eebahi(swt) aburtey taas Eebahaga(swt) u talo saro adigo istikhareysanaya taladana u dhibanaya Eebahaga(Swt) insha allah wad ku guleysan hadi Eebe(swt) ka raali noqdo.

Ragga doorashadodu way ka duwaan tahay kan gabadhaha,marka waxa wanaagsan gabadhdu ninkey dooranayso inaay ku raacin aduunyo maal iyo aroos loga tuumo hotel ka ugu qalinsan tasooy shurud uga dhigto hadan hotel loga tumiin sida heblaayo inu meher dhacaynin diintena raali kama aheyn waxu awoodi karin lamahanagu inad ku khasabto ee illahay ha laga baqo gabadhdow qofku waxuu awoodin laguma khalifo, gabadhdu intay is guursan lamanaheega waa inaay ka war qabto xaaladisa nolooled kuna nicin faqrinimadisa ee ay ku raacdo diintisa iyo dabecadisa taaso muhiim u tahay jiritanka rerkeega.

Lamaanahagu hadu yahay qof diin iyo dabecad leh faqrinimadisa inaad ku nacdo wa qalad wayo illahay swt aya ayadisa waxu ku yidhi haday sabool yihiin eebe isaga deeqdisa ku hodmin, Waxa laga yaaba in xaaladu sidan iska badali karto oo illahay swt idin ka saro faqrinimada,qamiya tajir aha oo faqri ku dhanbeyey qamiya faqri aha oo tajir ku danbeyey hadaba aduunyo maal iyo aroos hotel lagaga tumo wax ku tari meyso ee ku raac lamanahaga diintisa iyo dabecadiisa sidu rerkagu u noqdo mid ku dhisan sherecada dhexdinana ku aburta jeceyl aan dhamaan is fahan naxaris.

Waxad oogada walaal lamanaahaga hadad ku doorato maal iyo aduunyo in laaga yaaba akhirka reerkagu burburo madama adan diin iyo dabecad ku dooran balse aad ku dooratey adun iyo maalkisa, dumar badan ayana arintani ku dhactey, waxa ka mid ah gabadh ay walaashay is aqaneen gabadhtu waxay guursaday nin maal qaabeen ah aroos keegi waxa lagu soo galbiyeey(helicopter) hotel ka u qaalisan aya loga tumeey 2 biil aya lagu kala tagay,gabadhta aan lamaanaheega ku raacin diin iyo dabeecad taaso kale ku danbeyn.

Walal diintenu ma ogola in koox music garaca la talbo rag iyo dumarna is dhex galaan oo dabada ruuxan caroosadana laa so fadhisoyo meel rag iyo dumar badaani joogan iyado quruxdeedi banaanka loso sarey Make Up ki u dhanbeyeyna lo mariyeey rag ajahanab ka ahna dawanayaan,aroos yaada galada aya sidan oo kale u dhigta in la talbo qoox music garaca rag iyo durmar dabada ruuxaya is dhex galaan caruuski iyo caroosadi la fadhisiyo meel laga daawan karo,Nabigenu(csw) waxu yidhi qoom isku ekeysiyaa waxay ka mid yihin iyaga, diintu waxay baneysay in gabadhta caruusada ahi ay gabadhdoo kaliya u banaan yihin in quruxdeeda arkan durbaannaa garactaan music see mayaa rag inay mesha joogana lama ogola.

Ma dooneysa inuu guurkagu noqdo guur tan ugu wanagsan guriga’guuna noqdo guri kalgaceyl iyo jeceyl farxad naxaris iyo raxo ku wara abitkin raac taladaydan walaal waxan hubo inaad ku guleysan doonto insha allaahu hadi rabbi ka rali noqdo..

Walaal hadad la kulanto nin aad diintisa dabecaadisa u boogtey haku nicin abuurta iyo qadarta Aallah(swt) waxa dhici karta ninkan illahay swt lixdisa laxad kala dhantalay inu ka caqli badan yahay kana geesisan yahay kan illahay swt u dhameystirey lixdisa laxad waxad ogada walal in anu waxba dhereyn ninkan allah swt lixdisa laxad u dhamaystirey waa qalad in qofka lagu noqo faqrinimo iyo qadarta allah(swt) haba noqdo nin gaban,fool xun, jiran iyo hadu curyaan kursi ku fadhiya yahay Eebe(Swt) uma waayin inu lixdisa laxad u dhameystiro cafimad buuxda sidado kalena siiyo Eebe(swt) waxu sida ugu talo galay inu isku eego adomahisa kan laxadkisa allah u dhameystirey inu wax ugu darayo walalahisa aan laxad kogu dhameystirneyn nicmadu allah siyeynaa ugu shugrinaya…

Waxad diidi karta hadii ninku walaan yahay rerna dhaqan karin masu’liiyadadana qaadi kaarin,haduu see waasho asagoo ku qaba lamanahaagu horena u cafimaad qabay wa inaad garabkisa is taagta oo adan kaga tagin jirata iyo xanuunku Eebe(swt) u keeney..

Qof kaasto aduun kor kisa ku nool cafimadkisa ku waari maayo maalin uu jirataba wa jiron Eebe(Swt) wa cafiya adoon kiisu doono cafimadkisana uso celiyaa marka walaal waxad ogada waxi lagu imtaxamayo sayigaga in adigana lagugu imtaxamayo marka walaal hadi u xanuunsado lamaanahagu haku karahyeysan hana ku nicin jiro Eebe(swt) u keney xasuuso intu cafimadka qabay lamanahaagu faraxdi iyo nolooshi raxada aha eed so wada marteen.

Aan kaga sheekeyo gabadh la iga sheekeyey siday ula dhaqantey lamanaaheega illahayna(swt) ugu gaftey illahay ha cafiye runti sheekadani markan maqley way iga nixisay waxa iga sheekeyey walaalkeyga iga weyn oo degen uk,waxu yidhi nin laxaad la aya waxu ehelkisa ka codsaday in gabadh u guursado lo radiyo waxay ehelkisu ku daren gabadh degeneyd etopia wa logu meheriyey qarash badan aya kaga baxay aroos keegi wuu u dacwoday bilo ka dhib ayey uk so cago dhigatay gabadhi muddo biloyin markey kala baratey dalki ayeey lamanaheegi ku tidhi i fur nin kursi ku fadhiya anigu ma rabe wuu iska furey miskinki waxa ku dhacay niyad jaab iyo murugo joogta ah guur oo dhan ayu nacay,qofka cuqubada ka gala qof binu adam ah aduun aya lagu so dedejiya nicmada allah siyeeyna aan ku shugrineyniin gabadhti nooloshii aya cidhiidhi ku noqday ninkey gursadana hore ayuu ka fura…

Waxa iyana jirta gabadh kale oo la iga sheekeyey oo degeneyd canada waxay qadka netka iska barten nin wadaad ah caruur iyo rerna leh oo naafo ah curyaan ku fadhiya kursi markey gabadhti muddo sheekeysten ayu uso ban dhigey guur waxuna u sheegey inu yahay qof aan socon karin oo curyaan ah marku intas u sheegey,ayeey ugu jawabtey ma intasun bad i sheegeysa qadar Eebe wax la isku naaci karo ma ahee ayey tidhi wayna ka rali noqoday inay is gursadan isagu qurbaha ayu degena iyada uso gurday hada labadi xaasba waxu ku qaba qurbaha allahayna swt awlad kala siiyey ninkegana kursigi curyanka ayey ku riixda…Waa kaas hadaba imaanka dabta ah, qofka aan qadarta allah raali ku noqon cadho allah aya ku dhacda.. Qofku hadu cafimad qabo lixdisa laxadna qabo wa inu nicmadu allah(Swt) siyeey ugu shugriyo kuna niicin qof kale..

Illahaay(swt) aya mahad leh i fududeyey inaan maqal kan qoro, waxan saxay illahay xagisa ka ahaday waxan qaldayna nafteyda iyo shaytan ka ahaday..

FADLAD KA DHIIBO FIKIRKAAGA QEYBTA HOOSE