Fariimaha Jaceylka: Markan Kulmeynay Waxey Ila Aheyd Dhalanteed, Inaan Saaxiibkaa Noqdo Waxey Aheyd Dooqeyga, Laakiin………

0
312

Waa mar kale iyo qodobadii jaceylka oo aan isbuuciiba mar idiin kugu soo gudbin jirnay shabakada Allsiyaasad.com isbuucaan waxaad halkaan kala kulmi doontaan xusuus iyo qodobo jaceyl ah oo aad u xiiso badan.

Noloshu waxey dhamaataa markaad joojisid Riyada, Rajadu waxey dhamaataa markaad joojisid rumeynta ALLE. Jaceylkuna wuxuu dhamaadaa markaad joojisid inaad ka taxadarto lamaanahaaga, sidaa darteed macaan xusuusnoow nolosheyna iney ku dhisantahay Rajo, Jaceyl, Iyo inan iska taxadarno…

Macaan ma ogtahay markaad I dhahdo bye “Jaaw’ in aay igu abuurto ilmo jaceyl, marka aad si fudud iila kaftanto in aay igu abuurto qosol iyo dhoola cadeyn, markaad iga taxadarto in uu mar labaad jaceylka igu dhaco, markaad isoo eegto inaan iloobo xanuun oo idil, sida mucaashiqinta Allsiyaasad.com u jaceyl yihiin ayaan aniguna kuu jeclahay xabiibi.

Macaan ma ogtahay nolosheyda adiga la’aantaa ineey la mid tahay, google aan laheyn meel wax laga raadiyo, youtube aan laheyn muuqaalo, facebook aan laheyn wax friends ah iyo Allsiyaasad.com aan laheyn meel jaceylka lagu Reegaay.com

Marka uu roobka mahiigaan ahi uu da’ayo qoraxda arki meeysid, lakin weli waxey taagantahay halkeedii, aniga iyo adigana hadii aan is arki karin xusuusnoow mar weliba inan niyada iskala joogno.

Indhaheyga waad ka fogaan kartaaa, Lakin qalbigeyga maya, waad ka fogaan kartaa meel aay gacanteyda gaareen lakin maskaxdeyda marnaba kama baxeysid oo kama fogaan kartid, waxaa macquul ah agtaada inaan waxbo ka aheyn, lakin adigu waxaad ii tahay nolosheyda oo idil….

Jaceylku waa sida caadka oo kale marba dhan u ciirayo, jaceylku wuxuu la mid yahay riyo ayadoo lasoo jeedo lagu riyoonayo, jaceylka waa hal eray oo nagu kulmiyay wax walbo oo aan isku nahay, xaqiiqdii markii aan adiga ku helay ayaan jaceylkuna helay…

Markan kulmeynay waxey ila aheyd dhalanteed, inaan saaxiibkaa noqdo waxey aheyd dooqeyga, lakin inaan ku jeclaado waxey aheyd mid ka baxsan xadmigeyga iyo koontoroolka nafteyda, waan ku jeclahay xabiibi…

FADLAD KA DHIIBO FIKIRKAAGA QEYBTA HOOSE