Dhageyso: Wasaarada Dhalinyarada Hirshabeelle  iyo maamulka  gobolka hiiraan ayaa  Tartan Ciyaaro Ah U Qabatay Dhalinyarada maagaalada Baladweyne

0
125

Tartanka kubada cagta ah ayaa loo qabtay xaafadaha magaalada baladweyne  20 kooxo ka kala socda oo ka furmay garoonka ku badda cagta laqayo ee magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan waxana tartanka iska kaashanay wasaarada dhalinyarada ciyaaraha iyo dhaqan celinta hirshabeelle iyo maamulka gobolka  Hiiraan.

Furitaankii ciyaarta lagu farayay tartanka loogu magacdaray  isdhexgalka bulshada ayaa waxa ka qeyb galay xumno ka socda Maamulka Gobolka Hiiraan wasiirka  dhalinyarada ciyaaraha hirshabeelle c/qani jeenyo Gudiga Olombikada  xiriirka kubada cagta ee Gobolka  iyo masuuliyiinta dhalinyarada  gobolka  iyo boqolaal dadweynaha oo kakala yimid xaafadaha magaalada Baledweyne.

Tartankan ay iska kaashanay wasaarada dhalinyarada ciyaaraha iyo dhaqan celinta maleeshiyaadka hirshabeelle iyo maamulka gobolka  Hiiraan  ayaa ugu horeyn waxa ka hadlay Gudoomiyaha Ururka dhalinyarada Gobolka Hiiraan Maxamed Cabdulaahi Buraalle waxana uu shegay in tartanka loogu tala galay isdhexgalka bulshada qeybna ka qaadanayo isku soo dhawaashada iyo nabad galyada deegaanka.

Sidoo kale waxa madasha ka hadlay Gudoomiyaha Olombikada Gobolka Hiiraan Cabdi kariin xasan Cabdulle qalaad ayaa  shegay in tartankan uu yahay  isdhexgalka bulshada ”waxa u mahadcelinaa dhamaan kooxahii  ka soo qeyb galay tartankan  waxa ku tilmaami karaa tartan mid  wax ku ool ah maadaama uu yahay mid loogu tala galay is dhexgalka bulshada” sidaasi waxa Yiri Cabdi kariin xasan Cabdulle qalaad .

Gudoomiyaha maamulka gobolka hiiraan cali jeyte ayaa sheegay in uu ku faraxsanyahay tartankaan waxana uu sheegay in uu mahad celinayo wasiirka dhalinyarada cayaaraha iyo dhaqan celinta maleeshiyaadka hirshabeelle iyo intii kala shaqeysay in uu qabsoomo tartankaan.

wasiirka dhalinyarada cayaaraha iyo dhaqan celinta maleeshiyaadka hirshabeelle c/qani jeenyo ayaa sheegay in wasaaradiisa ay ka go,antahay in ay dhalinyarada shaqo abuur u sameyso iyo sidookale wacyi gilin waxana uu sheegay in dhalinyarada looga baahan yahay in ay iyagu ka shaqeeyaan horumarka dalka waxaa kale uu sheegay wasiirka in ay sii wadi doonaan tartamada nuucaan oo kale ah iyo sidookale dayactirka garoonada dhalinyarada hirshabeelle.

Dhamaan kooxaha ka qeyb galaya tartankaan ayaa lagu wareejiyay qalab cayaaro oo dhameystiran sida dharka aalamiitada iyo dharka ay ku cayaarayaan iyo kabo iyo kubado waxaana ka faaideysat 500 oo dhalinyaro ah oo taranka ka qeybgalay maadaama afarta xaafadood ay ka yimaadeen 20 koox oo ka tartanka ka qeyb galay.

Hoos ka dhageyso warbxin uu diyaari  bashiir  cabdulahi cismaan

FADLAD KA DHIIBO FIKIRKAAGA QEYBTA HOOSE