Dhageyso: Maanta oo kale 15-kii bishii May sanadkii 1943-dii waxaa u suurtagashay 13-kii ee dhalinyarada Soomaaliyeed inay dhibada u taagan xisbigii la magac baxay SYC {Somali Youth Club}

0
153

ururuka dhalinyarada Soomaaliyeed, kaas oo markii dambe u xuubsiibtay ururka dhalinyarada Soomaaliyeed ee SYL {Somali Youth League}, sanadkii 1947-dii bishii May maanta oo kale ayaa ururka SYL si rasmi ah magacaasi u qaatay, xiligaasi waxaa ururka dhisay 13-dhalinayaro ah, kuwaas oo kala ahaa:

  1. C/qaadir Sheekh Saqaawadiin, waxa uu ku dhashay degmada Tiyeeglow ee gobolka Bakool sanadku markuu ahaa 1919-kii, wuxuuna xilligaasi wuuxu jiray 24-sano.
  2. Max’ed Xirsi Nuur {Siidii}, waxa uu ku dhashay magaalada Mareeg oo ka tirsan gobolka Galguduud sanadku markuu ahaa 1915-kii, xilligaasi wuxuu jiray 28-sano.
  3. Yaasiin Xaaji Cismaan Sharma’arke, waxa uu ku dhashay degmada Hobyo ee gobolka Mudug sanadkii 1917-kii, xilligaasi wuxuu jiray 26-sano.
  4. Xaaji Maxamed Xuseen Max’ed waxa uu ku dhashay magaalada Muqdisho ee gobolka Banaadir sanadkii 1917-kii, xilligaasi wuxuu jiray 26-sano.
  5. Cismaan Geedi Raage waxa uu ku dhashay magaalada Muqdisho ee gobolka Banaadir sanadkii 1925-kii, xilligaasi wuxuu jiray 18-sano.
  6. Dheere Xaaji Dheere waxa uu ku dhashay magaalada Muqdisho ee obolka Banaadir sanadkii 1926-kii, xilligaasi wuxuu jiray 17-sano.
  7. Daahir Xaaji Cusmaan waxa uu ku dhashay degmada Hobyo ee gobolka Mudug sanadkii 1925-kii, xilligaasi wuxuu jiray 18-sano.
  8. Cali Xasan Maslax waxa uu ku dhashay degmada Hobyo ee gobolka Mudug sanadkii 1927-kii, xilligaasi wuxuu jiray 24-sano.
  9. Maxamed Cali Nuur waxa uu ku dhashay degmada Shangaani ee ka tirsan Gobolka Banaadir sanadkii 1927-kii, xilligaasi wuxuu jiray 16-sano.
  10. Maxamed Faarax Hilowle waxa uu ku dhashay Mareeg oo ka tirsan gobolka Galgaduud sanadkii 1925-kii, xilligaasi wuxuu jiray 18-sano.
  11. Xaaji Maxamed C/llaahi {Xayeesi} waxa uu ku dhashay magaalada Muqdisho ee gobolka Banaadir sanadkii 1918-kii, xilligaasi wuxuu jiray 25-sano.
  12. Huudoow Macalin Cabdulle waxa uu ku dhashay degmada Mareeray ee gobolka Sh/Hoose sanadkii 1926-kii, xilligaasi wuxuu jiray 17-sano.
  13. Maxamed Cusmaan Baarbe waxa uu ku dhashay degmada Baardheere ee gobolka Gedo sanadkii 1910-kii, xilligaasi wuxuu jiray 33-sano.

Waxaa ururkii SYL sanadkaasi Xoghaye guud looga dhigay C/laahi Ciise Max’uud oo isugu ahaa Ra’isul wasaarihii Xukuumaddii daakhaliga aheyd ee ka horeysay xilligii gobanimada la qaatay.

Ururkii SYL wuxuu shaaca ka qaaday qorshihihiisii siyaasadeed, waxaana uu sheegay inuu u taaganyahay xornimo gaarsiinta Ummadda Soomaaliyeed, iyadoo xilligaasi Soomaaliya ay u qeybsaneyd 5-gobol oo gacanta ay ku hayeen gumeystayaashii reer Yurub.

13-kii dhalinyaro ee SYL waxay shideen iftiin gobanimo doon ah, waxaana hoosta ay ka xariiqeen in Ummada Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogto inay hesho gobanimo taam ah, isla markaana la helaa Soomaali weyn.

Dhalinyaraasi SYL waxaa xilligaasi u suurtagashay inay mideeyaan shacabka Soomaaliyeed si looga hortago gumeysiga, iyagoo aaminsanaa haddii la helo midnimo laga guuleysan doono gumeysiga, isla markaasina waxaa quluubtooddii ku weynayd waddaniyadda oo ay wax walba ay ka hormsiin jireen si ay u gaaraan ujeedooyinkooda ku xusnaa dastuurka xisbiga SYL oo aheyd in shacabka Soomaaliyeed la gaarsiyo xornimo taam ah iyo in la helo Soomaali weyn.

Xisbigii SYL waxaa la soo gudboonaaday turaanturooyin badan iyo hagardaamooyin badan oo la doonayey in lagu wiiqo ujeedooyinkooda gobanimo doon, waxaana ay taasi kaga gudbeen isku duubni, hal adeyg, aqoon, iyo dedaal kasta oo ay ku gaari karaan inay ku mideeyaan shacabka Soomaaliyeed, inkastoo badi dadkii Soomaaliyeed ay xilligaasi si weyn ugu bisleyn qiimaha xornimada, laakiin waxaa quluubtooda arrintaasi ku shubay xisbigii SYL oo si weyn ugu dedaalay in Soomaalida laga dhaadhiciyo qiimaha xornimada ay leedahay.

Intii uu socday halgankii SYL ee ay hormoodka ka ahaayeen baadi goobta xornimada Ummadda Soomaaliyeed waxaa jiray dad tiro yar oo Soomaali ah oo la dhacsanaa ku hoos jirka heeryada gumeystaha, waxaana dadkaasi ay ku xirnaayeen nidaamkii gumaystaha ee Talyaaniga.

Dadkaasi gumeysi kalkaalka ahaa waxay qaarkood ku biireen xisbigii SYL si ay u kala dhantaalaan orodkii ama ruclihii loogu jiray xornimo gaarsiinta Ummadda Soomaaliyeed.

Cali Xuseen oo ahaa ninkii Xisbihii SYL u qaabilsanaa dhanka suugaanta wuxuu gabayadii uu tiriyey ku muujin jiray inay SYL ay ka mid yihiin dad doonaya inay jilbaha qabtaan dadaalka xisbiga, waana halka ay murti Soomaaliyeed ka tiri “Baadida nin baa kula daydayi oo doonayen daa’in abidkaa inaad hesho daalna kaa badane”.

Sidoo kale Axmed Xaaji Suleymaan oo dhanka qoraalada u qaabilsanaa xisbiga ayaa mar uu ka hadlay shir ay lahaayeen golihii xisbigii SYL, wuxuu ku sheegay in xisbiga ay ka mid yihiin dad diidan in xisbiga ku guuleysto ujeedooyinkiisa ku aadan xornimo gaarsiinta Ummadda Soomaaliyeed.

Si kastaba ha ahaatee waxaan shaki ku jirin in xisbigii SYL uu kaalinta ugu balaaran ku lahaa hanashadii xornimada Ummadda Soomaaliyeed ee la hantay sanadkii 1960-kii, inkastoo ujeedooyinkii dhalinyaradii 13-ka ahaa ee SYL aan weli la gaarin 50-sano ka dib, tiiyoo weliba ay meesha ku jirto in labadii gobol ee Koonfur iyo Waqooyi ee xornimada qaatay sanadkii 1960-kii ay hadda goboladii waqooyi sheeganayaan inay yihiin dowlad madaxbanaan oo ka go’day Soomaaliya inteeda kale, halka gobolkii Koonfureed uu yahay mid ay la degeen dagaalo muddo 20-sano ka badan ka aloosnaa gobolada dalka, tiiyoo ay u sii dheer tahay in maanta ay halis ku jirto midnimadii guud ee gobolkaasi, maadama ay soo baxeen maamulo u muuqanaya kuwa aan u hiilineyn riyadii xisbigii gobonimo doonka ahaa ee SYL.

SYL sidee ku aasaasantay?

Horaantii sanadkii 1943-kii ayaa waxaa sheekaystay sida ay taariikhyahanadu sheegeen C/qaadir Sheekh Sakhaawadiin iyo Yaasiin Xaaji Cusmaan Sharma’arke oo rag saaxiibo ah oo si weyn isugu xirnaa, islana socon jiray mar kasta, waxay ka wahadleen sidii Ummadda Soomaaliyeed uga bixi laheyd nidaamkii gumeysiga.

Labadaas nin ee dhalinyarada ahaa waxay midba uu jiray xilligaasi 24-sano iyo 26-sano, waxay muddo ka sheekaysanayeen sidii bal gumeystaha looga xoroobi lahaa, waxaana C/qadir Sheekh Sakhaawadiin uu soo jeediyay fikir ahaa in la aasaaso xibsi Islaami ah oo dadka mideeya, isla markaasna ka saara gumeysiga, laakiin Yaasin Xaaji Cismaan ayaa wuxuu soo jeediyay fikir kale oo ahaa in xisbiga laga dhigo mid siyaasi ah oo shacabka oo dhan matala.

Ka dib wahadaladii labada nin ee dhalinyarada ah waxaa ku soo biiray dhalinyaro kale, waxaana la isku raacay in la dhiso Gole ama naadi dhalinyaro oo ay isku bartaan dhalinyarada, isla markaasna dhalinyaradu wax isku baraan, iyadoo la baranayo luqadda Ingiriiska oo xilligaasi aheyd mid ku cusbeyd gobolada Koonfureed ee dalka Soomaaliya.

Kulankaasi dhalinyaradu waxay isla garteen in la dhiso Gole dhalinyaro inta laga gaarayo waqti ku haboon in la dhiso xisbi siyaasi ah, waxaana la dhisay Golaha dhalinyarada Soomaaliyeed SYC {Somali Youth Club}, waxaana xilligaasi ay aheyd 15-kii May ee sanadkii 1943-dii, wuxuuna kulankii ugu dambeeyay ee ay yeesheen aasaasayaasha xisbigaasi ay isku raaceen 3-qodob oo kala ahaa:

Ø In xukuumadda Ingriiska ee dalka heysata loo qoro codsi ay ku doonayaan inay furtaan naadi la yiraahdo SYC {Somali Youth Club} oo ay dhalinyarada ku kulanto.

Ø In la kireeyo guri u qalma howlaha dhalinyarada ee lagama maarmaanka u ah, soona jiidan kara dhalinyarada.

Ø In la dejiyo barnaamij ku meel gaar ah oo dabooli kara qorshaha shaqo ee loo baahanyahay lagama-maarmaana u ah howlaha dhaliyarada.

 

FADLAD KA DHIIBO FIKIRKAAGA QEYBTA HOOSE