Jose Mourinho” Waxaan dheelayaa kulankii iigu Xasaasisanaa Nolosheyda Sabab

0
130

Macalinka Manchester United Jose Mourinho oo kooxdiisu Caawa wajaheyso Naadiga Celta Vigo kulankii lugta labaad Semifinalka koobka UEFA Europa League ayaa shaaca ka qaaday in Cayaarta caawa ay tahay tii ugu Xasaasisanayd Noloshiisa kubada Cagta.

Jose Mourinho oo shir karaa id qabtay Arbacadii ayaa cadeeyey in Cayaarta ay wajahayaan Naadiga Celta Vigo midii ugu welka welka badnayd ee abid soo marta maadaama sida uu sheegay ay eegayaan indhaha oo dhan waxa uu ka Sameeyo Europa League kaas oo kooxdiisa uga xiran in ay dheelaan koobka Horyaalada yurub xiliga soo socda.

Mourinho” Siguud iyo si gaar ahba waan ula hadalay Cayaartoyda Manchester United waanan u sheegay in mustaqbalkeenu ku xiranyahay in aan garaacno Celta Vigo Gaar ahaan waxaan u sheegay Paul Pogba in 90 ka daqiiqo ee kulanka Caawa in uu Maskaxdiisa kasaaro baaritaanka FIFA sheegtay in ay kusamayn doonaan qaabkii lookala gatay ee ay u kala wareegsadeen Juventus iyo Manchester United taa badalkeedana uu u dheelo sidii aan u gaari lahayn Finalka koobkaan qiimaha Goonida ah

FADLAD KA DHIIBO FIKIRKAAGA QEYBTA HOOSE