Saadaal ayaa laga bixiyey labada Cayaaryahan ee u Tartami doona Ballon d’Or?

0
121

Kadib Markii kooxaha Real Madrid iyo Juventus xaqiijiyeen in ay dheeli doonaan Finalka koobka  Champions League ayaa Waxaa lasoo Saaray Saadaal laga bixiyey labada Cayaaryahan ee u tartami doona abaal marinta Ballon d’Or?

Carlo Garganese iyo Peter Staunton rag ku gaamuray kubada Cagta dhanka Saadaashana u qaabilsan Wargeyska Goal.com ayaa sheegay in midkii ku Guuleysa koobka Horyaalada yurub Xidigaha kala ah Cristiano Ronaldo iyo Gianluigi Buffon in uu Ku guuleysan doono abaal marinta Ballon d’Or kan kalana uu kaalinta labaad geli doono.

Finalka koobka Champions League oo ay dheeli doona kooxaha Juventus iyo Real Madrid ayaa lacayaari doonaa 3 da bisha lixaad 2017 Waxaana halkaa ka dhici doona Cayaar aad u adag lamana Saadaalinkarayo kooxda ku Guuleysan karaysa.

FADLAD KA DHIIBO FIKIRKAAGA QEYBTA HOOSE