Dumarka tee baa xun, tee baa wanaagsan?{warbixin}

0
336

Nin Reer Baadiya ah ayaa la weydiiyey Haweenka Midda ugu Fiican?, wuxuuna ku jawaabay sida tan:- Haween Midda Ugu fiican waa :-

1- Waa Midda Runta Sheegto kolka ay Hadleyso.
2- Waa Midda Haddii ay Qosleyso Dhoola Caddeysa.
3- Waa Midda Haddii ay Shey Farsameyneyso Qurxisa.
4- Waa Midda Gurigeeda Joogteeneysa, Zowjkeeduna aanan ku Caasin.
5- Waa Midda Tolkeeda Dhexdiisa ay tahay Mid la Sharfo.
6- Waa Midda Arinkeeda oo idil lagu Mahdiyay.

Nabiga CSW, wuxuu yiri:- Ma idiin Sheegaa Haweenka Jannada Ehelkeeda ah: kuwa Raga Jecel ee Dhalaaya, u Maseeraaya Ragooda, waa Midda Kolka ay Dhib geysato mise iyada la Dhibo Timaada Gacanta Sowjkeeda Qabsata, ka dibna tiraahda: Wallaahi Indhaha isu geyn maayo, ilaa aad iga Raali Noqotid, Taasi Janada Dhexdeeda bey Ahaatay Taasi Janada Dhexdeeda bey Ahaatay, Taasi Janada Dhexdeeda bey Ahaatay).

Haddaba, isla Ninkii Reer Baadiya ayaa la weydiiyey Haweenka kuwa ugu Xun, wuxuuna yiri, Haween Midda ugu Sharta badan:-

1- Waa Midda Jirada isku rida, Carabka Dheer (Qeylida badan).
2- Waa midda Ooysa Sabab la’aan, hadalkeedana waa Hanjabaad.
3- Waa Midda Wanaaga Daboosha, Xumaantana Faafisa.
4- Waa Midda Hadduu Zowjkeeda yimaado baxda, Hadduu baxana joogta.
5- Wa Midda Ooysa iyadoo Gardaran, waxeyn marag furi iyadoo Gardaran.
6- Waa Midda illinteeda u daadata Faajirnimo, oo Alle ayaa ku imtixaamay Hoog iyo Halaag.

FADLAD KA DHIIBO FIKIRKAAGA QEYBTA HOOSE