Diego Maradona ayaa ugu dambayn helay tan iyo 2012 koox uu Macalin u noqdo?

0
135

Mucjisadii hore ee Caalamka kubada Cagta Diego Maradona ayaa ugu helay koox uu Macalin u noqdo tan iyo Sanadkii 2012 xiligaas oo wixii kadanbeeyey uu baaga muundo ahaa.

Diego Maradona ayaa loo magacaabay Macalinka kooxda ka dheesha Horyaalka Imaaraadka Carabta ee Al Fujairah Naadigaas oo ka dheesha Horyaalka heerka labaad ee dalka imaaraadka Carabta.

Magacaabista Diego Maradona ee Naadiga  Al Fujairah ayaa Noqotey mid lama filaan ah oo ka yaabisay jamaahiir badan oo dalka imaaraadka Carabta ah Maadaama uu Sanadkii 2012 uga tagay koox dalkaas ah dagaal iyo fawdo badan oo uu Sameeyey Ninkaan oo Caan ku ah qilaafka iyo qab qabsiga dadka kale.

Ninkaan ayaa Horay u soo noqday Macalinka kooxda heerka koowaad ee Al Wasl ee isla imaaraadka Carabta waxaana ay tahay markii labaad ee uu ku laabto dalkaas.

FADLAD KA DHIIBO FIKIRKAAGA QEYBTA HOOSE