Jose Mourinho” Way nooga dhamaatay in aan Galno Kaalinta Afraad

0
117

Manchester United Macalinkeeda Jose Mourinho ayaa cadeeyey in kooxdiisu ka quusatay oo ay kasabartay Rajadii ahayd in ay ugu yaraan Galaan kaalinta 4 aad kala Horeynta Horyaalka dalka Waxaana uu hadalkaas jeediyey Markii ay dhamaatay Cayaartii Arsenal kaga badisay 2-0 Axadii.

Jose Mourinho oo shir Jaraa id qabtay Markii ay dhamaatay Cayaartii Arsenal ayaa cadeeyey in kooxdiisa Manchester United aysan macquul ahayn in ay dheelaan Koobka Champions League hadii aysan qaadin Europa League oo ay lugta labaad Semifinalka khamiista la dheeli doonaan kooxda Celta Vigo.

Manchester United ayaa 4 dhibcood kadanbeysa Kooxda kaalinta 4 aad kujirta ee Manchester City iyaga oo wada haysta min 3 Cayaarood waxaana Jose Mourinho uu Cadeeyey in uu ka quustay rajadii ahayd in uu ka mid Noqodo kooxaha Fooqa sare ee dheeli doona Koobka Horyaalada yurub.

FADLAD KA DHIIBO FIKIRKAAGA QEYBTA HOOSE