Puntland oo kalsoonidii kala noqotay xildhibaanadii laga soo doortay Puntland.

by admin | Wednesday, Apr 17, 2024 | 14 views

Maamul-goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland ayaa shaaca ka qaaday in ay kalsoonida kala laabteen xildhibaanadii u matalayay labada aqal ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya, kuwaas oo ka soo horjeestay go’aamadii Puntland ee ku aadanaa xiriirka ay la leedahay dowladda Federaalka.

Wasiirka Warfaafinta Puntland, Maxamuud Ceydiid Dirir, ayaa sheegay in Xildhibaanada ay noqdeen kuwa mucaarad ku ah deegaanadooda. Sidaa darteed, si hufan uma matali karaan Puntland baarlamaanka federaalka.

“Waa in ay fahmaan in aysan xasaanad lahayn haddii ay ka soo horjeestaan ​​deegaannadii soo doortay, kama duwana shacabka caadiga ah,” ayuu ku nuux-nuuxsaday Wasiir Ceydiid Diiriye.

Hadalka Wasiirka Warfaafinta ayaa imaanaya xili ay soo baxayeen warar sheegaya in qaar kamid ah Xildhibaanada laga soo doortay Puntland ay wada hadal la galayaan dowladda Federaalka Soomaaliya, maadaama Madaxweyne Deni uu xiriirka u jaray dowladda Federaalka.

Xildhibaanadan ayaa Madaxweyne Deni ku eedeeyay in uu dagaal siyaasadeed la galay dowladda Federaalka, taasi oo keentay in shacabka Puntland lagu waayo mashaariic horumarineed.

Dhowaan ayay ahayd markii wasiir ku xigeenka wasaaradda maaliyadda C/qafaar Xasan Xaange uu ku eedeeyay hogaamiyaha Puntland Siciid Deni inuu hor istaagay mashaariic badan oo shaqo iyo fursado kale u keeni lahaa shacabka Puntland. Mashaariicdan oo ay ka mid yihiin mashruuca mushaharka macalimiinta qaranka, mashruuca caafimaadka Damal, mashruucii Barwaaqo (Ex Biyoole), mashruuca kabka miisaaniyada, mashruuca tamarta iyo korontada. Sida uu sheegay wasiirku, mashaariicdan oo ay ku baxayso boqolaal milyan oo dollar, ayaa sugaya ogolaanshaha Puntland.

Todobaadyo ka hor, Puntland waxay sheegtay inay ka baxday nidaamka federaalka ee dalka, ayna si madax bannaan isu maamuli doonto, inta laga ansixinayo wax ka bedelka dastuurka ee ay ansixisay dowladda dhexe ee Soomaaliya, iyadoo afti guud oo dalka oo dhan ah laga ansixinayo.

Like it? Share it!

Leave A Response