SHAQAALAHA IDAACADA CIIDAMADA QALABKA SIDA AYAA  MUSHAAR LA’AAN KA CABANAYA.

0
112

Shaqaalaha idaacada Ciidamada Qalabka Sida ee Dowlada Soomaaliya ayaa Ka cabanaya Mushaar la.aan Muda dhan Hal sano.

Idaacada Ku hadasha Afka Ciidamada Qalabka sida ee Dowlada Soomaaliya ayaa oo la furay 01/07/2014-kii Xiligaas oo Shaqaale kala duwan ay ka Howl bilaabeen.

Waxaa Hada soo baxaya Cabasho ay soo Gudbiyeen shaqaalaha idaacada Ciidamada Qalabka Sida ee Dowlada oo Muda dhan 1 Sano aan qaadan Wax Mushaar ah.

Waxa ay sheegeen in aysan Helin Xuquuqdooda,7 Bil waxay Mushaar la.aayeen Dowladii Madaxwayne Xasan Shiikh Maxamuud, Sidoo kale waxay Mushaar la.yihiin Mudada uu xilka Hayo Madaxwayne Farmaajo.

Shaqaalaha ayaa inoo sheegay in aysan jirin cid xil iska saartay Xuquuqdooda Maadaama ay Ku shaqeeyaan Dhibaatooyin kala Gedisan.

” Waxa Mushaar ah Maqaadano Mana helno Xaqdhowr waxaana u nogol nahay Dhibaata kasta, Amni ahaan waxaan degenahay Xaafadu Kira ah Sidaas oo jirta ayaana Helin Xuquuqdeena, Sidaasi waxaa sheegay shaqaalaha Idaacada Ciidamada Qalabka sida ee Dowlada Soomaaliya.

Waxa ay ka dalbadeen Madaxda Qaranka Soomaaliya in ay Wax ka qabtaan Dhibaatada  Xuquuq la’aanta ah ee ka jirta idaacada S N A.

Marka la fiiriyo shaqaalaha idaacada waxay ubaahan yihiin Daryeel iyo Garab istaag, Hada sida Muuqata intaas oo dhan Ma haystaan waxaana looga Fadhiyaa in Madaxda qaranka ay Wax ka qabtaan Cabashada Ka soo baxaysa Shaqaalaha Idaacada Radio Muqdisho Codka Ciidamada Qalabka Sida.

FADLAD KA DHIIBO FIKIRKAAGA QEYBTA HOOSE