Mourinho ayaa Si Dadban Isaga Hor Keenaya Jamaahiirta & Wenger

0
114

Tababare Jose Mourinho ayaa ugu baaqay ninka ay sida ba’an u xifaaltamaan ee Arsene Wenger inuu si iskiis ah isaga go’aansado shaqo ka tagista Arsenal sidii uu sameeyay halyeeygii hore Man United Sir Alex Ferguson.

Speicial One ayaa ugu yeeray Wenger inuu shaqadiisa ilaashado xilli ay Jamaahiirta Gunners ay rajeynayaan in la badalo kadib xili ciyaareedkii fashilka ahaa ee uu kooxda u hogaamiyay labada tartan Premier League iyo Champions League.

Jose Mourinho ayaa doonaya inuu xili ciyaareedka soo aadan arko cadawgiisa isagoo ka dhawaajiyay in ninka faransiiska ah uu yahay qofka ugu dambeeya ee ceynkiisa oo kale ah inuu yahay madama uu Fergie isaga dagay saaxada garoomada.

FADLAD KA DHIIBO FIKIRKAAGA QEYBTA HOOSE