Maamul goboleedka Puntland oo qaadacay ka qayb galka shirka madasha wadatashiga qaran ee Muqdisho.

by admin | Wednesday, Apr 17, 2024 | 21 views

Maamul-goboleedka Puntland ayaa ku dhawaaqay inaysan ka qayb-galayn shirka golaha wadatashiga Qaran ee madaxda dowladda dhexe iyo kuwa maamul-gobolleedyada oo toddobaadka soo socda ka furmaya Muqdisho, iyagoo sheegay inay diideen inay aqoonsadaan dowladda federaalka.

Wasiirka warfaafinta Maxamuud Ceydiid Dirir oo wareysi siiyay warbaahinta gudaha ayaa sheegay in dowladda federaalka laga rabo in ay ilaaliso qaab dhismeedka sharciga ka hor inta aysan Puntland ka fiirsan ka qeyb galka wada xaajoodka arrimaha dastuurka.

“Annagu ma aqoonsanin sharci ahaanshaha dowladda hadda jirta, yaa nagu marti qaadaya in aan wada hadalno, in aan sharciga u soo laabano ayaa ugu muhiimsan, markaas ayaan wada hadal la geli karnaa, iyaga oo aan wax lug ah ku lahayn Puntland ayay soo abaabuleen xafladooda,” ayuu ku nuux-nuuxsaday.

Madaxweyne Maxamuud ayaa 21-ka ilaa 22-ka bishan April u mudeeyay in shir madaxeedka uu ka furmo magaalada Muqdisho, iyadoo looga wada hadli doono dadaallada ka dhanka ah argagixisada iyo dhameystirka dastuurka dalka.

Inkastoo Puntland iyo Madaxweynayaashii hore ee Sheekh Shariif iyo Maxamed Farmaajo ay ka soo horjeesteen, haddana Aqalka Hoose iyo Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka ayaa 30-kii bishii Maarso ansixiyay wax ka bedelka 4-ta qeybood ee ugu horreeya dastuurka KMG ah ee ka kooban 15-ka cutub.

Like it? Share it!

Leave A Response