Madaxweynaha Soomaaliya oo la kulmay dhaxal sugaha Boqortooyada Sacuudiga.

by admin | Sunday, Apr 7, 2024 | 29 views

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa la kulmay Dhaxalsugaha Boqortooyada Sacuudiga Amiir Maxamed Bin Salmaan oo ay ka wada hadleen xoojinta iskaashiga iyo xoojinta xiriirka qotoda dheer ee Soomaaliya iyo Sacuudiga.

Kulamada ay yeesheen labada mas’uul ayaa sidoo kale waxa ay kaga wada hadleen maalgashiga dhaqaalaha, ganacsiga, difaaca, iyo amniga.

Dhaxal-sugaha Boqortooyada Sacuudiga Maxamed Bin Salmaan ayaa muujiyay taageerada uu Sacuudiga u hayo midnimada iyo madax-bannaanida Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, isagoo caddeeyay in heshiiska Is-fahamka (MoU) ee Itoobiya ay dhawaan la gashay maamulka Somaliland uu caqabad ku yahay deris-wanaagga iyo xasilloonida gobolka.

Ra’iisal wasaaraha Itoobiya ayaa heshiis is-afgarad ah la saxeexday maamulka Somaliland, kaas oo Itoobiya u oggolaaday inay ganacsi iyo ciidanba hesho 20 kiiloomitir (12 mayl) oo ka mid ah xeebaha Soomaaliya muddo 50 sano ah.

Taas beddelkeeda, madaxda Somaliland waxay ku an dacoonayaan in Itoobiya oo aan bad lahayn ay noqon doonto dalkii ugu horreeyay ee Somaliland u aqoonsada qaran madax-bannaan. Si kastaba ha ahaatee, dawladda Faderaalka ayaa diiday heshiiska dekedaha Itoobiya iyo Somaliland.

Like it? Share it!

Leave A Response