Rikooradii uu dhigay Xidiga Cristiano Ronaldo kulankii Atletico Madrid

0
141

Weeraryahanka Naadiga Real Madrid ee Cristiano Ronaldo oo wadcadro dhigay Kulankii Atletico Madrid ay kaga badiyeen 3-0 isla Markaana dhaliyey dhamaan Goolasha kooxdiisu ku badisay ayaa loo diiwaan geliyey Rikooro uu dhigay iyo kuwo uu la sinmay.

Cristiano Ronaldo ayaa dhigay Record Cusub kadib marklii uu Noqday Cayaaryahankii koowaad ee Taariikhda Champions League Sadexleey Xiriir ah kadhaliya kulamada bug baxda marka lagaaro Waxaana uu laba Sadexleey oo Xiriir ah ka dhaliyey Bayren Munich iyo Atletico Madrid.

Cristiano Ronaldo ayaa Noqday Cayaaryahankii koowaad ee 50 Gool ka dhaliya kulamada bug baxda koobka Champions League isaga oo kaliya ayaana haysta Recordkaas Waxaana uu leeyahay hada 51 Gool oo uu ka dhaliyey Cayaaraha Nuucaan oo kale ah.

Cristiano Ronaldo ayaa lasinmay Recordkii Lionel Messi ee ahaa Cayaaryahanka ugu dhalinta badan Goolasha loo yaqaan Sadexleyda koobka Champions League Waxayna wada leeyihiin min 7 Sadexleey.

Cristiano Ronaldo ayaa Noqday Cayaaryahankii koowaad ee dhaliya Sadexleey Semifinalka koobka Champions League tan iyo  Robert Lewandowski  oo sedexleey dhaliyey Xili Cayaareedkii 2012-13.

Cristiano Ronaldo ayaa Atletico Madrid ka dhaliyey Goolkiisii 21 aad Waana Cayaaryahanka ugu Goolasha badan darbiga Magaalada Madrid.

Cristiano Ronaldo ayaa Real Madrid u dhaliyey Sadexleydii 42 aad tan iyo Markii uu ku soo biirey Sanadkii 2009 Waxaana kaloo uu dhaliyey Ronaldo Goolashiisii 101 aad ee Champions League.

FADLAD KA DHIIBO FIKIRKAAGA QEYBTA HOOSE