DEG DEG: Soomaaliya oo cayrisay safiirka Itoobiya, xirtay laba qunsuliyad.

by admin | Thursday, Apr 4, 2024 | 22 views

Dowladda Soomaaliya ayaa  dalka ka cayrisay safiirka Itoobiya, waxayna xirtay laba qunsuliyad oo Itoobiya ay ku laheyd Garoowe iyo Hargeysa, waxaa sidaas xaqiijiyey saraakiil ka tirsan dowladda.

Xiisadda Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa cirka isku shareertay bishii Janaayo kadib markii Addis-Ababa ay heshiis la gashay Somaliland, kaasi oo lagu sheegay in Ethiopia lagu siinayo dhul badeed ay ka dhigato saldhig ciidan iyo dekad. 

Somaliland ayaa sidoo kale sheegtay in Itoobiya ay taas beddelkeed u aqoonsaneyso Somaliland dal ka madax banana Soomaaliya, inkasta oo taasi aysan xaqiijin Addis-Ababa.

Saraakiisha warkan laga soo xigtay ayaa sheegay in go’aanka lagu eryey safiir Mukhtaar Maxamed Waare uu la xiriiro heshiiska ay horey u galeen Somaliland iyo Itoobiya. Soomaaliya ayaa horey ugu yeeratay safiirkeeda.

Dhinaca kale, go’aankan ayaa imanaya maalin kadib markii Itoobiya ay qaabishay wafdi ka socday maamulka Puntland oo booqday magaalada Addis-Ababa. 

Barta ay Facebook ku leedahay wasaaradda arrimaha dibadda Itoobiya ayaa Arbacadii lagu sheegay, in Itoobiya iyo maamul goboleedka Puntland ay ku heshiiyeen in la wanaajiyo xiriir ay ku sheegeen inuu dhinacyo badan leeyahay.

Bayaanka ayaa lagu sheegay, in wasiirka arrimaha dibadda Itoobiya Danjire Mesganu Arga uu xafiiskiisa si diirran ugu soo dhaweeyay, wafdi uu hogaaminayo wasiirka maaliyadda ee Puntland Maxamed Farax Maxamed. 

Wafdiga ayaa sidoo kale sheegay in in maamulka cusub ee Puntand uu doonayo, inuu xoojiyo xiriirka laba geesoodka ah ee ay la leeyihiin Itoobiya, islamarkaana ay carrabka ku adkeeyeen ahmiyadda ay leedahay in diiradda la saaro ganacsiga, horumarinta kaabayaasha iyo iskaashiga dhaqaale, ayaa lagu yiri bayaanka.

Puntland ayaa waxaa xiisad ay muddo kala dhaxesay dowladda federaalka, ayada oo dhowaan sheegtay inay aqoonsiga kala laabatay dowladda federaalka kadib markii baarlamanka Soomaaliya uu ansixiyey wax ka beddelka dastuurka. 

Like it? Share it!

Leave A Response