Lothar Matthaus” Wiilkan yar ee Kylian Mbappe yaan lagu qamaarin Mustaqbalkiisa daafacyada Juventus ma ahan rag Xishooda

0
153

Cayaaryahankii hore ee Xulka dalka Jarmalka Lothar Matthaus ayaa digniin u diray Macalinka Kooxda Monaco isaga oo uga digay in uu daafacyada Juventus ka hor geeyo wiilkiisa 18 Sano jirka ah ee  Kylian Mbappe.

Lothar Matthaus” Kylian Mbappe waan hubaa in uu yahay Cayaaryahan mustaqbal Wanaagsan kuleh kubada Cagta laakiin aqoonta aan u leeyahay kubada Cagta Talyaaniga iyo daafacyada Juventus u malayn maayo in uu Gool ka dhalin doono waaba hadii uu ka bad baado Hagardaamada ay ladamacsanyihiin waanan kutalin lahaa in laga horgeyn.

Ninkaan ku Guuleystey koobka aduunka ayaa sheegay in labada daafac ee kala ah Giorgio Chiellini iyo Leonardo Bonucci.ay yihiin kuwo qibradoodu aad u sarayso isla Markaana garanaya sida laysaga xanuujiyo Cayaartoyda orodka badan sida Kylian Mbapp marka waxaana kutalinlahaa ayuu yiri Lothar Matthaus in aan Nafsadiisa lagu qamaarin waa sida uu hadalka u dhigay.

FADLAD KA DHIIBO FIKIRKAAGA QEYBTA HOOSE