Cayaaryahan Xavi ayaa qaaday koobkii koowaad Tan iyo Markii uu ka tegay Barcelona?

0
132

Cayaaryahankii hore ee kooxda Kubada cagta Barcelona ee Xavi ayaa ku Guuleystey Koobkii u horeeyey tan iyo Markii uu kategay Naadigiisii hore Waxaana uu koobka kula Guulstey kooxda dalka Qatar ee Al Sadd’

Xidigaan oo hada 37 Sano jir ah ayaa Naadigiisa Al Sadd’ u suurta geliyey in ay ku Guuleysteen Qatar Cup kadib Markii ay Cayaartii Finalka ahayd 2-1 ku Garaaceen kooxda El Jaish.

Xavi oo ka mid ah Cayaartoyda kubada Cagta Caalamka ayaa Barcelona ka tegay Sanadkii 2015 kadib markii uu uu dheelayey 17 Sano oo aan Waligii ka Go i doonin Maskaxdiisa waxaana uu hada u dheelaa Naadiga dalka Qatar ee Al Sadd oo uu la qaaday koobkii u horeeyey ee uu ku Guuleysto tan iyo Markii uu ka soo tegay Barcelona.

Ninkaan kuma cusba in uu qaado koobab ee Barcelona ayuu kula guuleystey 4 Champions League iyo 8 Horyaalka La Liga balse koobkaan ayaa ah kii u Horeeyey ee uu ku qaado meel kabaxsan Garoonka Nou Camp.

FADLAD KA DHIIBO FIKIRKAAGA QEYBTA HOOSE