Shabaab oo ka faa’iideystay habacsanaan ku timid DF

by admin | Saturday, Mar 30, 2024 | 26 views

Al-Shabaab ayaa u muuqdo kuwo isku dayaya in ay ka faa’iideystaan hakadka ku yimid hawlgalada dib-u-xoreynta dalka, si ay dib ugu soo laabtaan dhulkii horaan laga saaray.

Shabaabka ayaa bartamihii bishan bilaa dagaal kula wareegay deegaano dhaca koonfurta Gobolka Mudug, ka dib markii ay soo banneeyeen Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa Macawiisleyda.

Shabaabka ayaa tan iyo wixii xilligaa ka dambeeyay kordhiyay weerarada ay ku hayaan goobaha ay ku sugan yihiin ciidamada.

Sabtidii ayay weerar culus ku galeen saldhigga ay ciidamada ku leeyihiin deegaanka Dhanaane ee saaran waddada xeebta ee xiriirisa Magaalooyinka Muqdisho iyo Marka, gaar ahaan halka lagu magacaabo Busleey.

Shabaabka oo xilligaasi dhowr saacadood haystay deegaankaasi ayaa la sheegay in markii dambe ay dib uga baxeen, iyagoona goobta ka qaatay gaadiid dagaal.

Sidoo kale Shabaabka ayaa subaxnimadii Talaadadii weerar xoogan ku galay deegaanka Daaru-nimca ee Gobolka Shabellaha Dhexe. Wararka ayaa intaasi ku daray in Shabaabku ay saacado ka dib banneeyeen deegaankaasi

Waa weerarkii afaraad oo Shabaabka ku qaadaan Daaru-nimca, tan iyo markii laga saaray horaantii sanadkii hore. Weeraradii kan ka horreyay ayaana dhacay billihii June, September iyo December. Weerarkii bishii June ayayna Shabaabka ku burburiyeen Masjidka weyn ee Daaru-nimca.

Shabaabka oo galabtinimadii Talaadadii culeys soo saaray Degmada Xarardheere ee Gobolka Mudug ayaa illaa Arbacadii kula dagaalamayay ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa deegaanka ee la abaabulay. Dagaalkan ayaana ka dhacay deegaanka Bacaadka Faarax Aadan oo hoostagga degmadaasi.

Wararka laga helayo Degmada Xarardheere ayaa sheegaya in baqdin ay ka jirto deegaankaasi, ka dib culeyskan ay Shabaabku soo saareen.

Xarardheere oo muddo dheer ay Shabaabku ka arriminayeen ayaa laga saaray 16-kii bishii January ee sanadkii 2023, markaas oo Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa Daraawiishta Galmudug ay la wareegeen.

Hawlgalada oo billo ka hor si dardar leh uga socday deegaanada Galmudug iyo Hirshabelle ayaan la aqoon waxa sababay gaabiska ku yimid.

Axmed Cabdullaahi Maxamed (Axmed Kaboole) oo ka faallooda arrimaha amniga ayaa sheegay in kororka weerarada Al-Shabaab ay ugu wacan tahay dib u dhaca ku yimid hawlgaladii dalka looga sifeynayay.

“Waxaad mooddaa in Al-Shabaab ay dib u soo kabasho sameysay, maadaama maalmahaan hawlgaladii deegaanadaasi ka socday uu dib u dhac ku yimid, oo ayagu haddeertaan ay isa soo awoodeeyeen, deegaanadii horey looga qabsadayna ay isku dayayaan inay ka faa’iideystaan waqtigaas uu hakadku galay hawlgaladii,” ayuu yiri Axmed Kaboole.

Axmed Kaboole ayaa intaasi ku daray “Marka Al-Shabaab jiritaankooda Gobolada Dhexe ama Hirshabelle ha noqoto ama Galmudug ha noqotee weli inay awooddoodii leeyihiin ay dib u soo noqon karaan oo deegaankii ay dhibaato ku hayaan, Ciidamadii Militariga ay dhaawacayaan, khasaare badana ay hadda gaysan karaan.”

Mar kasta oo hawlgaladu ay hakadaan waa mar walba, oo ay dib u soo laba kacleeyaan weerarada Al-Shabaab.

Like it? Share it!

Leave A Response