Dad shacab ah oo lagu laayay Tuulada Waydkaal oo katirsan gobolka Afdheer ee Dowlad degaanka Soomaalida

by admin | Saturday, Mar 23, 2024 | 21 views
Sida ay wararku nagu soo gaarayaan dad shacab ah ayaa lagu laayay tuulada Waydkaal ee Degmada  Baaray oo ka tirsan Gobolka Afdheer ee Dowlad degaanka Soomaalida.

Sida dad xogagaal ahi u sheegeen Warbaahinta dilka dadkan ayaa ka dambaysay kaddib markii labo beelood oo wada dega degaankaas oo ay ka dhaxaysay Mag hore oo ahayd Wiil horay shil baabuur ugu geeriyooday oo magtiisa la kala qaadan lahaa ay ku heshiin waayeen Magtii, oo Qoyska lagu leeyahay magta ay yiraahdeen 44 Neef oo Geela lacag u dhiganta ayaan bixinaynaa, halka Qoyskii kale ee Magta qaadan lahaa ay istaageen 100 Neef oo Geela wax ka yar ma qaadanayno.

Maamulka Degmada Baarey oo ka warhelay khilaafka labada beelood ayaa yimid tuulada Waydkaal si loo wada hadalsiiyo oo loogu heshiiyo Magta, intaa kaddib Hoolkii lagu wada heshiisiinayay labadan Qoys, ayaa waxaa ka dhex kacay Qoyskii Magta qaadan lahaa oo ay u cuntami wayday sida howsha loo wado, Ciidamo sugayay amniga Hoolka ayaa dhinacooda isku dayay inay dib u celiyaan dadkan kasoo kacay shirkan.

Balse dhalinyaro cadhaysan iyo Ciidamadii goobta joogay ayaa isku dhacay halkaasna Ciidamadu waxay adeegsadeen Rasaas keentay dhimashada 5 qof oo isugu jira Rag iyo Haween, sidoo kale waxaa jira dhaawac isugu jira Shacab iyo Ciidan, waxaana goobtaas ka dhacday mashaqo iyo masiibo ka waynaatay tii loo fadhiyay ee lagu heshiin la’aa.

Dhinaca Dowladda oo arrintan ka hadashay ayaa sheegtay in baadhitaanno dheeri ah la lawado siday wax u dhaceen iyo ciddii ka dambaysayba, waxayna Dowladdu sheegtay in ciddii dhacdadaas ku lug yeelata ciddii doontaba ha ahaatee sharciga lahor geyn doono.

Dadka degaanka ayaa dhacdadan ku tilmaamay mid argagax leh in goob loo fadhiyay in Mag lagu kala qaato uu dil kale ka dhaco, waxayna Shacabku ka codsadeen Dowlad degaanka Soomaalida in tallaabo laga qaado ciddii amartay ama ku lug lahayd in dadkaa shacabka ah la laayo.

Like it? Share it!

Leave A Response