Al-Shabaab ayaa laga saarayo wadooyinka ugu horeya oo ay godoomiyeen

0
106

Saraakiisha Ciidamada AMISOM gaar ahaan kuwa jabuuti ayaa waxaa ay markale si cad shaaca uga qaadeen hanjabaad cusub oo ku wajahan Dhinaca Kooxda Al-Shabaab ee ku sugan gobolka hiiraan qeybo ka mid ah.
Waxaana ay saraakiisha sheegeen inay isku furayaan wadooyinka ay go’ddomiyeen Al-shabaab ee ku yaala gobolka Hiiraan gaar ahaan kuwa gala degmada Buulo Burde oo muddo Seddex sano ka badan ku jirto xaalad go’doon ah .
Taliyaga Ciidamada AMISOM ee gobolka Hiiraan Maxamed celmi Habane ayaa shaaca ka qaaday in aysan sii xernaan doonin wadooyinka soo gala buula-barde iyo degmooyin kale oo ka tirsan Gobalka Hiiraan.
Hadalkaan wuxuu imaanayaa iyadoo dhowaan maamulka Gobolka Hiiraan uu balan qaaday in la isku furayo dhamaan deegaanada kala xiran ee ku yaala gobolk Hiiraan ka gadaal markii amarkaas uu bixiyay madaxweynaha Maamulka Hirshabeelle Cali Cabdulaahi Cosoble .
Al-shabaab ayaa wax ka badan 3 sano xaalad go’doon ah giliyay magaalooyin badan oo ku yaaala Soomaaliya gaar ahaan Gobalka Hiiraan waxaana dhibaato badan uu ka soo gaaray dadkii ku noolaa degmooyinka go’doonsan ee Gobalada Soomaaliya.
Dhawaan R/wasaaraha Dalka Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa waxaa uu amar ku siiyay Saraakiisha Ciidamada AMISOM iyo Kuwa Xoogga Dalka in si dhaqsi ah ay u furaan Wadooyinka ay go’doomiyeen Al-Shabaab si gurmad loo gaarsiiyo dadka ay abaarta saameysay.

FADLAD KA DHIIBO FIKIRKAAGA QEYBTA HOOSE