Raysal Wasaare Xamse “Dastuurku wuxuu ku jira gacan aamin ah waana in looga dambeeyo hay’adaha shaqada ku leh.

by admin | Saturday, Mar 23, 2024 | 34 views
Raysal wasaaraha Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa si faahfaahsan uga hadlay arrimaha wax ka badalka Dastuurka iyo faa’idada uu u leeyahay dalka.

Raysal wasaare Xamse ayaa sheegay iney muhiim tahay in dalka loo sameeyo shuruucdii lagu hagi lahaa arrimaha doorashooyinka, si uusan dalka u galin hubanti la’aan siyaasadeed oo la xariirta doorashooyinka dalka.

“Berri marka ay harto waqti yar, haddii aan dhahno waxaan magacaabaynaa guddi doorasho, waxaa dhacaysa hubinta la’aan siyaasadeed sidii dhici jirtay, si aan dalku u gelin hubinti la’aan siyaasadeed, waxaan u baahan nahay hadda in guddi doorasho la magacaabo, iyaguna ay diyaariyaan axsaabtii, si dalku waqtigii loogu talagalay u galo doorasho aan muran lahayn” ayuu yiri Raysal  Wasaare Xamse Cabdi Barre.

Wuxuu sidoo kale tilmaamay Raysal wasaaraha in dhameystirka Dastuurka ay tahay mid u baahan is la isku kaalmeysto oo aysan aheyn in la mucaarado, maadama Dastuurka uu hortabin wadareedka u yahay dadka Soomaaliyeed.

“Dastuurku wuxuu ku jira gacan aamin ah oo ay tahay in looga danbeeyo hay’adaha shaqada ku leh, si meesha looga saaro arrimaha waaweyn ee Dastuurka ku xiran, sida gobonnimada, amniga iyo horumarka” ayuu yuri Raysal wasaare Xamse Cabdi Barre.

Hadalkaan kasoo yeeray Xamse Cabdi Barre ayaa kusoo beegmaya, iyadoo wax ka badalka Dastuurka dalka ay si weyn uga soo horjeedaan Xildhibaano ka tirsan labada gole ee Baarlamaanka Fedaraalka, siyaasiyiin iyo madaxweyneyaal hore.

Like it? Share it!

Leave A Response