Budhcad badeeddii Soomaalida ahayd ee la qabtay oo Hindiya lagu maxkamadeynayo

by admin | Thursday, Mar 21, 2024 | 37 views

Sida ay qortay wakaaladda wararka ee Reuters 35 Budhcad badeed Soomaali ah oo iyagoo markab afduubtay ay qabteen ciidamada badda ee dalka Hindiya ayaa lagu maxkamadayn doonaa dalkaas.

Sida uu sheegay sargaal ka tirsan ciidamada badda ee Hindiya. Budhcadda la qabtay ayaa sabtida soo socota la gayn doonaa dalka India iyaga oo lagu wareejinaayo hay’addaha garsoorka ee dalka India.

Sargaalka oo la hadlay wakaaladda Reuters ayaa diiday in magaciisa la xuso, isaga oo sheegay in uusan ogolaansho u haysan in uu lahadlo warbaahinta. Dacwadaha rasmiga ah ee lagusoo oogi doono budhcada ayaan si degdeg ah loo cadaynin ayuu sheegay.

Markakabkaan oo ay budhcaddu afduubteen sanadkii hore bishii December 14-keedii ayay ciidamada badda India ku qaadeen weerar iyagoo dhammaanba markabka iyo budhcaddaba gacanta kusoo dhigay. Afduubkan budhcaddu u geysatay markabka ayaa ahaa midkii ugu horeeyay ee noociisa ah ee budhcaddu ku qaado maraakiibta maraysa xeebaha Soomaaliya tan iyo sanadkii 2011-kii.

Ciidamada India ayaa koox maraakiibtooda dagaal kamid ah soo dhoobay Badda Cas iyo Gacanka Cadan bilahii lasoo dhaafay howlgalkana waxuu noqonayaa kii ugu horreeyay ee noociisa ah ee tobbanaankii sanno ee lasoo dhaafay ay fuliyaan ciidamada India. Wadamo badan oo Maraykanku kamid yahay ayaa ku howlan sugitaanta amniga baddaha tan iyo markii ay weeradada Xuutiyiintu Cirka isku shareereen, iyagoo hakad weyn geliyay isu socodka maciishadda caalamka.

Like it? Share it!

Leave A Response