Scroll to Top

reegaay.com

Just another WordPress site

Diyaaradii tagi jiray garoonka Dhoobley oo joogsaday iyo Jubbaland oo Digniin soo saartay.

by admin | Monday, Mar 18, 2024 | 52 views

Maareyaha guud ee garoonka diyaaradaha Degmada Dhoobley ee gobolka Jubada Hoose Abdirizak Nuur Mohamed ayaa Digniin adag udiray shirkadaha diyaaradaha adeegga duulimaad ka fuliya degmada Dhoobley.

Shirkadaha diyaaradaha ayaa muddo labo isbuuc ah wax duulimaad ah ku tagin magaalada Dhoobley, waxaana arrintaasi dhibaato xooggan kasoo gaartay rakaab badan oo doonayay in ay u safraan kana safraan Dhoobley.

Maareeyaha ayaa  sheegay in ay tan digniintii ugu dambeysay tahay shirkad duulimaadna aan dib dambe loogu dulqaadan doonin in ay shacabka ku tacadido, isagoo carrabka ku adkeeyay hadii ay taasi dhacdo in ay tallaabo adag qaadi doonaan.

Like it? Share it!

Leave A Response