Howlgal ka dhacay gobolka Baay oo lagu dilay ku dhawaad 10 ka mid ah kooxda Al-shabaab

by admin | Saturday, Mar 16, 2024 | 38 views

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya howlgal ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan guutada 8-aad qeybta 60-aad ay ka sameyeen galinkii dambe ee Shalay deegaano ka tirsan gobolka Baay.

Howlgalka ayaa la sheegay in ciidamada ay si gaar ah uga fuliyeen deegaanka lagu magacaabo Haween oo ka tirsan gobolka Baay, halkaas oo ay ku sugnayeen xubno ka tirsan Al-shabaab.

Saraakiil ka tirsan ciidanka xoogga dalka ayaa warbaahinta qaranka u xaqiijiyay in howlgalka ay ku dileen 7 ka mid ah kooxda Al-shabaab oo isku aruursanaayay deegaanka Haween ee gobolka Baay.

Waxaa sidoo kale Saraakiisha ay sheegeen iney kooxda Al-shabaab ka gubeen shan Mooto oo ah nuuca Fekon-ta loo yaqaan oo ay wateen xubnaha ka tirsan kooxda Al-shabaab ee lagu dilay howlgalka.

Si kastaba ha ahaatee deegaano iyo degmoyin ka tirsan gobolada Baay iyo Bakool waxaa mararka qaar ciidamada dowladda ay ka sameeyaan howlgalo noocaan oo kale ah oo ay ku beegsanayaan kooxda Al-shabaab.

Like it? Share it!

Leave A Response