Mareykanka oo qeylo dhaan kasoo saaray xad-gudubyo waa weyn oo ay geesaneyso dowladda Itoobiya.

by admin | Tuesday, Mar 5, 2024 | 63 views

Dowladda Mareykanka ayaa qeylo dhaan ka muujisay sii socoshada xadgudubyada ka dhanka ah xuquuquda aadanaha ee ka socda Itoobiya, kuwaas oo laga yaabo in ay saamayn ku yeeshaan hannaanka ay Itoobiya ku dooneyso in ay maal gelin uga hesho deyn bixiyayaasha caalamiga ah.

Maamulka Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed ayaa dunida kala kulmaya waji gabax iyo dhalleeceyn isa soo tareysa oo ku aaddan xeeladaha ay ciidamadiisu ku wajahan kacdoonka dadweynaha, taas oo keentay rabshado iyo fowdo dalka oo dhan ah.

Ciidamada Dowladda Federaalka ayaa lagu eedeeyay dilal sharci darro ah iyo duqaymo ay fuliyeen diyaaradaha aan duuliyaha lahayn kuwaas oo sababay dhimashada dad rayid ah.

“Waxaan si joogto ah ula soconaa xaaladda xuquuqda aadanaha ee Itoobiya si aan u qiimeyno haddii ay jiraan xadgudubyo waaweyn oo saameyn ku yeelan kara taageerada Mareykanka ee kaalmada hay’adaha maaliyadeed ee sida waafaqsan sharciga hay’adaha maaliyadeed ee dunida,” ayaa lagu yiri, qoraal kasoo baxay Waaxda Arrimaha Dibadda ee Mareykanka.

“Dowladda Mareykanku waxay walaac xoogan ka qabtaa warbixinnada ku saabsan xadgudubyada xuquuqda bini’aadamka ee ka dhacaya Gobolladda Amxaarada iyo aOromia ee ay ku lug leeyihiin ciidamada Dowladda iyo kuwa kasoo horjeeda” ayaa la raaciyay qoraalka kasoo baxay Waaxda Arrimaha Dibadda ee Mareykanka.

Like it? Share it!

Leave A Response