Nin xaaskiisa ku gowracay Qoryooley, kadibna jarjaray.

by admin | Saturday, Feb 3, 2024 | 60 views
Wararka ka imaanaya degmada Qoryooleey ee gobolka Shabeellaha Hoose ayaa sheegaya in galinkii dambe ee Shalay uu halkaasi si naxariis daro ah uu ugu dilay nin dhalinyaro ah Xaaskiisa.

Ninka ayaa dilka Xaaskiisa u adeegsaday sida la sheegay Tooreey af badan oo uu kaga dhuftay dhowr meelood oo halis badan, waxaana la tilmaamay in qoyska uu ka dhex jiray khilaaf.

Ciidamada amaanka degmada Qoryooley ee gobolka Shabeellaha Hoose ayaa la sheegay in si deg deg ah gacanta ugu dhigen ninkaan dilka u geystay Xaaskiisa, waxayna saraakiisha ciidamada sheegeen in la baarayo sababta keentay in ninkaan uu Xaaskiisa ugu dilo Tooreeyda si arxan daro ah.

Dilkaan naxdinta leh ee ka dhacay Shalay Galab degmada Qoryooleey ayaa kusoo beegmaya, iyadoo Shalay Muqdisho si weyn looga hadal hayay geerida hooyo korsaneysay lix carruur oo agoon ah, taasoo u geeriyootay dhaawac halis ahaa oo kasoo gaaray maalmo ka hor dab uu qabadsiiyay ninkii iyada qabay maseyr dartis, xili ay hooyadaan u laheyd uur lix bilood ah.

Dilalka aragagaxa leh ee ka dhacaya gudaha dalka Soomaaliya ayaa soo kordhaayay sanadahii dambe, waxana meelo kala duwan oo dalka ah ka dhacay dilal noocaan oo kale ah oo reebay uurku taalo iyo murugo aanan la ilaawi karin.

Like it? Share it!

Leave A Response