Laftagareen oo dib ugu laabtay Baydhabo ka dib maalmo uu ku sugnaa dalka Kenya

by admin | Tuesday, Jan 23, 2024 | 56 views

Madaxweynaha dowlad gobaleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen iyo wafdi uu hogaaminayo oo safar shaqo ugu maqnaa dalka dibadiisa ayaa maanta dib ugu laabtay Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay.

Mas’uuliyiin ka tirsan Goliyaasha Dowladda iyo Qeybaha kala duwan Bulshada Magaalada Baydhabo ayaa Garoonka Diyaaradaha Dr Shaati-Gaduud Airport ee Magaalada Baydhabo kuso dhoweyey Wafdiga Madaxweynaha uu Hogaaminayey.

Laftagareen ayaa muddooyinkii dambe ku sugnaa magaalada Nairobi ee dalka Kenya halkaas uu kula kulmay Safiirka Dowlada Sweden ee Soomaaliya Joachim Waern, isaga oo kala hadlay mashaariicda dhinacyada hormarka iyo dib u dhiska ee Dowlada Sweden ay ka tageerto Dowladda Koonfur Galbeed sidii loo Xoojin lahaa gaar ahaan adeegyada bulshada iyo kaabayasha dhaqaalaha.

Sidoo kale Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa kulan la qaatay Damon bristow Madaxa Arimaha hormarinta Safaarada Ingiriiska, isaga oo kala hadlay xoojinta taageerada Dowladda Ingiriiska Dhinacyada Tababarida Ciidanka Booliska Gaarka Koonfur Galbeed, Mashaariicda Hormarineed iyo Ka qeybqadashada Wajiga 2-aad ee Dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.

Madaxweynaha dowlad gobaleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa la filayaa in galinka dambe ee maanta uu gaaro magaalada Garoowe halkaas oo ay ka socota qaban qaabada xafladda caleema saarka madaxweynaha Puntland.

Like it? Share it!

Leave A Response