Gen. Gadi Eisenkot oo sheegay in aanay Dagaalka ka socda Bariga Dhexe lagu soo afjari Karin Xamaas

by admin | Saturday, Jan 20, 2024 | 59 views

Janaraal Gadi Eisenkot oo ah sarkaal howlgab ah oo u dhashay Israaiil oo ka xog-warramay go’aanka Ra’iisul Wasaare Benjamin Netanyahu ee ah in uu sii soconaya Dagaalka ka dhanka ah Xamaas ilaa ay kasoo afjarayaan uusan runta ka hadlin.

Waxa uu dhalanteed iyo kaftan ku tilmaamay in Israaiil ay guullo muhiim ah ka gaari karto iyada oo aanay jirin horumar muuqda ay ka samaysay dagaalka socda illaa 7diii Oktoobar 2023 keliyana ay ka dhaxleen dhiig-bax badan & niyad-jab xooggan.

GEN. Gadi ayaa sheegay in Wiilkiisa lagu dilay Magaalada Gaza uuna kamid noqday qoysaska xubnaha ehelkooda ku waayay dagaalka aan dhammaadka lahayn isaga oo si cad uga hor yimid iskudayga kale ee Ra’iisul Wasaare Netanyahu uu ku abaabulayo dagaallo cusub.

Ninkaan howlgabka noqday ayaa ku dooday in sida dagaalka uu u socdo marka laga tusaale qaato loo baahan yahay in wax badan laga baddelo maadaama askar & saraakiil badan ay ku waayeen dagaalkaas soconaya in ka badan 100ka cisho.

Ra’iisul Wasaaraha Israaiil Benjamin Netanyahu ayaa si toos ah u sheegay in aanay maamulkiisu Doonayn in ay arkaan Dowlad ay leeyihiin Dadka Falastiin oo ka dhisan Bariga Dhexe isla markaana dhinac taalla isaga oo hadalkiisa sii raaciyay in uu diyaar u yahay sii kordhinta dagaallada socda.

Hadalkaas ayaa marqura kiciyay dareenka Dad badan oo Falastiiniyiin ah halka kuwa Yuhuudda ay sheegeen in haatan xaaladdu uga sii darayso maadaama mowqifkii in muddo ah ay qarinayeen uu daboolka ka qaaday Benjamin Netanyahu.

Like it? Share it!

Leave A Response