Rideeydii qaaliga aheed ayaa dhimatay ka dib markii{sheeko xiiso leh}

0
594

maalintii oo   ay   taariikhdu aheed 9/4/2017. Waxaa qarax ka dhacay magaalada Mogadishu ku geeriyootay, Ceesaan lagu magaacabi jiray Cilaamo Cadeey. Waxa ay ka mid aheed noolaha Alla u qadaray in ay ku noolaato magaalada Mogadishu. Fiiri sawirka 1aad.

http://www.soomaalikabe.net/wp-content/uploads/2017/04/

Waxa ay u soo joogatay dagaala badan oo ka dhacay
Xamar,waxa ay khabiir ku aheeed sida gabaad loo raadsado haddii dagaal ka bilaawdo aaga ay degen tahay, waana yar tahay xaafad xamar ku taal oo ayna qax u tagin.

Waxa ay aheed ceesaan shaqa badan oo maalintii oo dhan u soo qaraabto inta guriga kula nool, iyada oo daalan ayeey galabtii imaan jirtay, koob shaah ah ka badan iyada oo aanan cabin ayeey sariirta isku kala bixin jirtay fiiri sawirka 2

http://www.soomaalikabe.net/wp-content/uploads/2017/04/

Weligeed kama qayb galin dagaal sokeeye, inta la baarayna korkeeda laguma arag wax qarxa iyada oo sida , waxaa ay ku caan baxday wanaag sida uu ku amaanay buugiisa qoraaga reer Irland Mr, Julian Gough.fiiri sawirka 4 & 5aad.

Inta guriga joogta iyadaa u soo qaraabi jirtay, waxaa ay soo hor dhigi jirtay wixii lacag ah ee maalintaa ay soo urursato, si cunto loogu iibsado,naaskeeduna wuxuu ahaa kayd oo qaar ayaa ku tiirsanaa, fiiri sawirka 6, 7, & 8aad.

Haddii Ceesaantaa aad sidaa uga naxday, meeqa Hooyo oo Somali ah ayaa ku geeriyootay isla qaraxaa oo aan cidina is weeydiin. Kuwaa oo ah Bani aadan Allaah uu siiyay Karaama ka badan noolaha kale, Hooyo waa jiritaanka dhabta ah ee qooyska somaliga ah. Hooyo, Hooyo, Hooyo Alla ha kuu naxariisto, Gacan kaa gar daran ayaa ku dishay,waana lagu raad joogaa si cadaalada loo hor keeno.

 

FADLAD KA DHIIBO FIKIRKAAGA QEYBTA HOOSE