DEG DEG: Itoobiya oo qaaday tallaabo kale oo ka dhan ah Soomaaliya

by admin | Thursday, Jan 18, 2024 | 78 views

Dowladda Itoobiya ayaa mar kale qaaday tallaabo kale oo ka dhan ah Soomaaliya kadib markii ay kusoo fasaxday biyo fara badan oo wata daadad xoogan, sida uu shaaciyay guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka ee SoDMA.

Maxamuud Macallin Cabduulle oo maanta Wariyeyaasha kula hadlay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in tani ay uga sii dareyso cadaawadda ay Itoobiya u qabto Soomaaliya, wuxuuna ku eedeeyay inay kusoo deysay biyo xoogleh, maadaama ay wabiyadu ka yimaadaan dalkeeda.

“Waxaan rabaa Ummadda Soomaaliyeed inaan la wadaago dowladda Itoobiya oo aad aragteen cadowtinimada iyo culeyska ay hadda nagu hayso waxay maalmahan dhoweyd billowday inay soo fasaxdo haaman waa weyn oo ay biyo ugu xirnaayeen” ayuu yiri.

Sidoo kale guddoomiyaha ayaa farriin u culus u diray shacabka deggan hareeraha wabiyada, isaga oo ugu baaqay inay ka digtoonaadaan arrintaasi.

“Ummadda deggan wabiyada hareerahooda waxaan rabnaa inay arintaas ka digtoonaadaan dowladda Itoobiya cadowtinimada ay qabto meel kasto ayay ka muuqaataa” ayuu raaciyay.

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA ayaa intaasi kusii daray in arrintan ay kusoo aadeyso, xilli Soomaaliya ay dhawaan ku dhufatay xaaladda Elnino oo si weyn looga dareemay qaybo badan oo kamid ah dalka, kadib markii ay ku dhufteen roobab xoogan oo daadad wata.

“Waad ogtihiin hadda ayaan ka badbaadnay marxalad runtii Elnino ay sababtay oo fatahaado ah” ayuu mar kale shirkiisa jaraa’id ku yiri Maxamuud Macallin Cabdulle.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo haatan ay taagan tahay xiisad diblomaasiyadeed oo u dhexeyso Soomaaliya iyo Itoobiya, taas oo ka dhalatay heshiiskii badda ee ay kowdii bishaan Addis Ababa ku gaareen madaxweynaha maamulka Somaliland iyo Abiy Axmed.

Like it? Share it!

Leave A Response