Faahfaahin Ku Saabsan Qorshaha Uu Mourinho Ku Doonaya Inuu Arsenal Kala Soo Wareego Mesut Ozil Xagaaga

0
173

Jose Mourinho ayaa qorsheyneysa inay si lama filaan ah ugu dhaqaaqdo xiddiga Arsenal Mesut Ozil xagaagan, sida ay qortay jariiradada Sunday Mirror.

Xiddiga Jarmalka oo ka hoos ciyaaray Mourinho markii ay wada joogeen Real Madrid ayaa geli doona sannadkiisii ugu danbeeyay ee qandaraaskiisa Arsenal marka la gaaro bisha Luuliyo, waxaana hakad ku jira ilaa iyo dhamaadka xilli ciyaareedkan wadahaladii qandaraas kordhinta.

Mourinho ayaana qorsheynaya inu ka faa’ideysto xaalada isagoo dalab qaali ah ka gudbinaya si uu u la shaqeeyo Ozil mar kale.

Mourinho weli ka careysan iibintii Ozil ee Real Madrid
Macalinka reer Portugal ayaa ahaa mid careysan markii ciyaaryahanka ay iibiyeen madaxda Bernabeu ogolaansho la’aantiisa.

Fariinta madaxda sarre ee Real Madrid ayaa aheyd in dalab 42.5 milyan ginni oo ka yimid waqooyiga London inaan la iska diidi karin.

Waxaana uu qiimaha lagu soo iibiyay ka soo baxay mararka qaar tan iyo markii uu yimid Emirates Stadium, inkastoo uu Mourinho weli si weyn u jecel yahay ciyaaryahanka, waxa uu aaminsan yahay inuu ka soo saari karo qaab ciyaareedkiisa ugu fiican haddii ay mar kale wada shaqeeyaan.

Haddii heshiiskaan uu dhaqangalo waxa uu ka careysiin doonaa jamaahiirta Arsenal kuwaasoo arkay kooxda oo weeraryahan Robin van Persie ka iibisay United sannadii 2012 – waxaana uu Red Devils ku hogaamiyay koobka horyaalka.

Laakiin dalab uga yimaado Mourinho ayaa soo jiidan kara Ozil kaasoo buugiisa uga hadlay sida uu u jecel yahay Mourinho.

“Ma waxaad u maleyneysaa in labo baasas oo qurxoon oo aad sameyso inay kugu filan yihiin? Ma waxaad u maleyneysaa inaad aad u fiican tahay oo kaliya boqolkiiba 50 dadaalkaaga uu kugu filan yahay?”

Hadaladaas waa hadaladii uu Mourinho ku canaantay Mesut Ozil sida uu xiddiga Jarmalka ku qoray bogiisa. Laakiin Ozil ayaa markii uu ka hadlayay dhacdadaas waxa uu qoray inuu xaqiiqdii jecel yahay Mourinho.

FADLAD KA DHIIBO FIKIRKAAGA QEYBTA HOOSE